Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub oo laga helay sida ay Puntland kusoo galeen ajaaniibta Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
ISIS-DAACISH.jpg?fit=1481%2C1151&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Deegaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxaa haatan ka socda dagaal argagixiso midkii ugu adkaa oo ay ciidamada maamulkaasi ku qaadeen kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda gobolka Bari.

Daacish ayaa ku xooggan dhulkan kala sarreeya, waxaana kooxda u dagaalama xubno ajaaniib iyo Soomaali isugu jiro oo tababaro kusoo qaatay gudaha iyo dibadda intaba.

Haddaba sidee ayay Puntland kusoo galeen ajaaniibta Daacish?

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa markii ugu horreysay shaaciyay xog cusub oo ku aadan sida ay ajaaniibta Daacish ee u badan xubnaha Carbeed kusoo galeen dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, taas oo aan horay loo ogeyn.

Caydiid ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha ajaaniibta ah ay ka kala yimaadeen dhowr dal oo u badan Carabta, ayna toos ugu biireen dagaalka Daacish ee gudaha Soomaaliya, wuxuuna tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay sida ay ajaaniibta ugu suuragashay safarkooda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ajaaniibta Carbeed ee ku jira kooxda Daacish markii ay soo galeen deegaannada Puntland ay iska soo dhigeen qaxooti kasoo cararay colaadaha ka jira dal Yemen, kadibna ay u gudbeen godadka ay ku dhuumaaleystaan Daacish.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ajaaniibta ay markii hore qaxooti ahaan kusoo dhaweeyeen dadka reer Puntland oo u qaatay walaalahooda, balse waxa uu tilmaamay inay ku noqdeen cadow shisheeye oo ku soo duulay deegaankooda iyo dalkabka.

“Inta badan dagaallamayaasha argagixisada Daacish waxay Puntland ku soo galeen farsamo qaxootinimo, waxay soo mareen dalka Yemen, waxaana ay soo raaceen doonyihii siday Qaxootiga Yemen ee ka soo cararay colaadda dalkaasi, kaddibna shacabka iyo dowladda Puntland ayaa soo dhaweeyay oo mooday walaalahood Sunniyiin ah oo soo qaxay” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ajaaniibta qaar ay sidoo kale ay iska soo dhigeen dalxiisayaal, ayna kasoo dageen Itoobiya kadibna soo galeen deegaannada Puntland.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan bilowday qorshe ballaaran oo ay ku xakameyneyso ajaaniibta soo galay deegaannadeeda, waxayna sidoo kale uruurisay kuwii hore u joogay deegaannadeeda oo qaarkood ay dib ugu soo celisay Itoobiya iyo dalalkii kale ee ay ka yimaadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this