Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada difaaca Puntland oo maanta la wareegay degaanka Sheebaab ee degmada Qandala

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250224_124728764.jpg?resize=720

Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo saaka horay u ruqaansaday ayaa goor dhaweyd la wareegay degaanka Sheebaab ee degmada Qandala ee gobolka Bari.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada difaaca Puntland goor dhaweyd gacanta ku dhigeen degaanka Sheebaab kaddib markii ay saaka ka dhaqaaqeen Taliskii Gaatir-oodan oo ay shalay la wareegeen.

Dagaallamayaasha Argagixisada ISIS oo awood ahaan wiiqmay ayaa isaga baxay Sheebaab ka hor inta aysan la wareegin Ciidamada difaaca Puntland oo hadda baaris amni iyo xaqiijin ku wada saldhigyo ay mileeshiyaadka jabay ka carareen.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada difaaca Puntland oo maanta la wareegay degaanka Sheebaab ee degmada Qandala appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this