Sign in to follow this  
xiinfaniin

War aan sidii dad walaala ah u wada noolaanno. Ama sidii doqomada aan u wada le'anno

Recommended Posts

WADAADADA SOOMAALIDU AYAAN DARANAA MA AWLAADDII AW JAAMAC BAA?!!

 

 

Muxamad Idris Axmed

dalyaqaan@yahoo.com

 

 

Mahad oo dhan Ilaahay baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha Ahaato.

 

Soomaalidu wexey tidhaahdaa: "War Ayaan Daranaa Ma Awlaadii Aw Jaamac baa!"

 

Sheekada Ilma Aw Jaamac waa sheeka dheer oo Suugaanta Soomaalida dhextaal, halkana kuma soo koobi Karo. Laakiin Nuxurkeedu wuxu yahay: Niman Walaalaa, Nin wanaagsani dhalay, Dhaxal badan oo Diin iyo Adduunyaba lehna uga tegey, Hase yeeshee, calfan waayey, aakhirkiina muran iyo khilaaf dartii isdiley, Adduun iyo Aakhirana seegay.

 

Markaan aragno oo maqalno waxa ka socda Soomaaliya, gaar ahaan, koonfur iyo Muqdisha, Siiba nimankii Wadaadada ahaa, oo awal ceebtooda Ilaahay asturay, haddase aad mooddo iney iyagu asturaadii Ilaahay iska xayuubinayaan, waxaan annagoo murugaysan xusuusaneynaa maah maahdaas Soomaaliyeed, innagoo leh: War Wadaadada Soomaaliya Ayaan Daranaa, Ma Awlaaddii Aw Jamacbaa!!

 

Markii Taladii Wadanku iyaga gacanta usoo gashay, ayey adduunka Markhaati uga dhigayaan, iney calfan waayaan, idaacadahana isku caayaan, labadii cayshu milixa ahaana, (xitaa) iney wada fariistaan inta diidaan, (Madaafiicda keliya ku wada hadlaan oo hawada isu mariyaan) maxasta intii hartayna ku dhammaato. Miyeysan ahayn inaan niraahno: War wadaadadu Ayaan Daranaa,Ma Awlaaddii Awjaamac baa!!

 

Waxaan qarsoonayn qorshaha Istratiijigaa ee Itoobiya inuu yahay Dawlad Xoog lihi inaaney Soomaaliya ka dhalan, ishana lagu hayo, Wexeyna u maraysaa, barnaamijkii ahaa (Qaybi oo Xukun) ama (qorya isugu dhiib) Laakiin haddeey Soomaalida ka go'antahay iney Dawlad Dhaba noqdaan, Itoobiya iyo qeyrkeed ma hor istaagi karaan, haddeey marka wadaadadu qorshihii Itoobiya iyo qeyrkeedba fulinayaan, sidii dagaal oogayaashii gabalkoodu dhacay, sow in la yiraahdo maaha: War Wadaadadu Ayaan Daranaa Ma Awlaaddii Aw Jaamac baa!

 

Wadanka Itoobiya ciidankeedii kala baxday, mase foga! Maraykanna ma joogo, badduuse fadhiyaa! Kiinya ma joogto, xadkeyse soo dhawreysaa. (Xoogaa Afrikaana) oo (Dhufaysya ku jira) ayaa Muqdisha (Keliya) jooga, Wadaadada labada dhinac (Xukuumad) iyo (Mucaarad) iyagaa – Bakaaraha iyo Boondheeraba – mushaaxa,

 

Haddeey garan waayaan, maqlina waayaan, war cawdu billaysta oo bisinka qabsada, nicmada ku shukriya, ummaddiinana u naxa, maamulka iyo magaaladana midaysta oo habaysta oo wixii dhiman ee aad tebeysaan xikmad iyo wada hadal ku dhamaysta oo isla meel dhiga (sida ugu dhaqsa) badan (intaan) (bilaaya kale) idinka dhex qaadin, haddeey intaas - oo dhegaha looga addamey- garan waayaan, sow in la yaaboo la yiraahdo maaha: War wadaadadu ayaan daranaa Ma Awlaaddii Aw Jaamac baa!!

 

Ummaduhu (Waaya aragnimada) waa u Ilma Aadam, haddey kala fogaadaan, ama xitaa kala diin ahaadaan, sidaa darted ayaa marar badan xikmadooda iyo waaya aragnimadoodu meela badan isaga soo dhacdaa.

 

Waxaa laga sheegay, ninkii la oran jirey Martin Luther King Jr. ee Mareykanka Madow ahaa, una halgamayey muddo sidii dadka madoobi xuquuqdooda qayb ka mida u heli lahaayeen, ninka cadna uga fara maroojin lahaayeen. Wuxuu ahaa nin aftahana oo hadduu fagaarayaasha ka hadlo, sida la yiri, shimbiruhu istaagaan! Wexey dadka madoobi maraykan halganka kasoo bilaabeen, meel iyaga iyo eeyaha la simo!! Maantana saan ognahay Maraykan (Nin Madaw ayaa Madaxweyne ka ah oo Aqalka cad deggan) Waxaa ninkaa, King ah, laga hayaa inuu yiri isagoo Caddaanka hadalka ugu duur xulaya:

 

" War aan sidii dad walaala ah u wada noolaanno. Ama sidii doqomada aan u wada le'anno"!

 

Wadaadada Siyaasadda (Muqdisha & Koonfur) ku loolamayaa haddeey garan waayaan in wadanku qaado, kheyraadkiisuna ka badan yihiin Soomaali oo Ummadaha Adduunku u bir tumanayaan, kuna tashadaan iney sidii (Doqomadii) wada le'daan, Sow in la yiraahdo maaha: War Wadaadadu Ayaan Daranaa Ma Awlaaddii Aw Jaamac baa!

 

Dadka aan Taariikhda ku Cibra qaadani iyagaa Cibra noqda sida badan. Cadawga kuu dhow ee (Daakhilkaagaa) iyo (Kan Fog ee Abadigaa) haddaad kala saari weydo, mid walbana meeshiisa dhigi kari weydo, mid walbana waqtigiisa la sugi weydo, Iyana waa shiddiyo hoog.

 

Taariikhda Muslimiinta Markaan dib ugu fiirsanno, ama (Aadamahaba) waxaa innoo caddaaneysa (Khilaafka & Siraaca Daakhilkaa) inaan Ummadi ku faaiidin, xitaa haddey (sideey isu arkaan) – Mujaahidiin iyo Cumalo – isugu yeedhaan, ama u qaybsamaan. Sunnada Ilaahay kama mid aha, Ummad (Gudaha) ka burbursani iney Ummadaha Hoggaamiso ama guul gaarto. Sida Qaalibkaa waxa (Cadawga) Camiil u noqdaa waa dad yar oo kooban. Haddeeyba dhacdo, dadkaasu keligood dagaal ma galaan, ee (Qayb dhan) oo Ummadda ah ayey Jabsanayaa. Waxaa Diinta iyo Caqligu dhigayaan, in lagala soo haro, waqtina la siiyo, si ay ummuurtu u caddaato. Dadka kama dooni kartid iney sidaad (xaqiiqda) u aragto, (habeen iyo gelin) kuula arkaan, ama keligaa aad ku fal gasho. Aragtida iyo Mawaaqifta Ummaddaada waxaad ku khasbantahay inaad tixgeliso oo la socoto. Keligaa inaad shahiidnima doonto, iyo inaad Ummad noolaysana waa kala labo!

 

Muslimiinta khilaafkii u horreeyey markuu ka dhex dhacay ee Ciraaq iyo Shaam loo kala jabay, Muslim badan ayaa ku dhammaaday, futuuxaadkii iyo Jihaadkii Cadawguna wuu istaagey, Firqooyin habawsan oo shiico iyo khawaarij aan waxba reebayn ayaa ka dillaacay, Raggii Janada loogu bishaareeyey Sida Dalxa iyo Zubeir Allaha ka Raali Noqdee ayaa Si badheedh ah loo diley. Cali Bin Abii Taalib Allaha Raalli ka noqdee ayaa isna dilkiisi Alle loogu dhowaadey! Intaana – isagoo Khaliifa ah – ayaa lala diriraayey. Ilaahay wuxuu fitnadaa ku damiyey Al Xasan Ibna Cali Allaha Raalli ka Noqdee, Nebiguna Calayhi Salaatu Wasalaam Wuu ku Ammaanay.

 

Khilaafadii Cabbaasiyiinta iyo Dawlladdii (Khawaarizmi Shaah) Markey is dibin daabyayeen, oo iyagu isu muuqdeen, waxaa mid mid cagta u mariyey (Tataarkii) Jenkis Khaan Dawladdii Muslimiintuna waa burburtay. Baqdaadna 2 Milyan ayaa lagu diley 656 H.

 

Dawladdii Masar markaa Joogtey oo iyadu dhexdeeda heshiis iyo Midnimo iyo isku duubnaan Culimo iyo Madax iyo Mujaahidiin laga helay, ayaa Tataarkii Adduunka oo dhan soo qabsaday 658 H ku jebisey (Cayn Jaaluut) – Waa 2 sano keliya kadib markii ay soo qabsadeen Baqdaad iyo Shaam! Waxaan dad Badani ogayn (Sida uu Musaalaxada Gudahaa u Sameeyey – Saifuddiin Quduz – Allaha u Naxariistee – oo Isagu Masar iyo Jihaadkaas Hoggaaminayey). Waxaan dad badani ogayn – Ciidamada Masar iney u kala jabnaayeen 2 qaybood iydoo Tataarku iridka soo marayaan. Laakiin Amiirki markaa joogey Quduz – Allaha u Naxariistee – Wuxuu ahaa nin Ilaahay Tawfiiqda waafajiyey – Tallaabooyinkii (Muslaaxada Gudaha iyo Diyaargarawga) ahaa ee uu qaaday waxaa ka mid ahaa:

 

Qoladii Kasoo horjeeddey ayuu la heshiiyey xitaa wuxuu u gaarey inuu xukunka uga tanaasulo. Laakiin horta cadawga ay u midoobaan.

Raggii Madaxdooda ahaa oo uu ugu magac dheeraa Abaanduulihii ay eyniga ahaayeen ee la oranjirey (Ruknudin Beebaris) oo awal Masar ka cararay, wuxuu u diray warqad ay ka (kal gacal iyo qaddarin iyo soo dhoweyn) xambaarsan, wuxuuna qayb weyn ka siiyey saldanadii, ninkaasuna qayb libaax ayuu ka qaatay Dagaalkii (Caynjaaluut) ee Tataarka lagu jebiyey, wuxuuna hoggaaminayey ciidanka nuskiis oo Sahanka horeba ahaa. Sidaas ayaa Qofka Qadiyad Mukhliska u ahi, cid kasta oo Qadiyaddaas wax tar u ah u ilaashadaa, mana ximiyo.

Quduz wuxuu wada tashi iyo la shaqayn la yeeshay Culimadii Markaa Joogtey oo uu ugu Magac dheeraa, Suldaanul Culamaa (Cizzaddin Bin Cabdi Salaam)

Quduz Wuxuu la Heshiiyey Saliibiyiinti Markaa Degganaa Magaalada xeebtaa ee (Cakka) si uu ugu gacan bannaanaado (Tataarka). Mar raggiisa qaar ka midi ay (Cakka) inta galeen dagnaanteeda arkeen, dabadeedna soo jeediyeen aan qabsanno tabar ma hayaane, wuxuu ku yidhi: (Nimanka Ballan ayeynu la galnay Diinteenuna ma ogola ineynu Ballanta uga baxno).

Quduz wixii xoola Masar yiilley wuxuu ku shubay (Beytul Maalka) isaga iyo amiiradiisiina wuu ka xayuubiyey.

Sidaas ayaa Masar oo uu Hoggaaminayo Quduz kaga guulaysatey Tataarkii. Waxaa Quduz ciidamadiisa raacay xitaa qaar markii hore Tataarka isu dhiibey oo raacay.

 

Haddaaney Wadaadada isku haysta talada iyo Siyaasadda ee Mid walbaa (Tuula Haysto) ee leeyahay (Minbar) ayaa iiga taagan anaana ka (Amiira) – kan kalena waa (najis qalabkiis) mindiyahana isu lisanaya, haddeey garan waayeen (Cadaw) labadoodaba aan kala jeclayn inuu iridka usoo joogo, ee uu kala hor marsanyo keliya, sow in la yiraahdo maaha: War wadaadadu ayaan daranaa Ma Awlaaddii Aw Jaamac baa!!

 

Muslimiintii Andalus laga Qaaday, ee ilaa (Koonfurta) Faransiiska laga soo saaray Qaar wexey ahaayeen Mujaahidiin dirirtay ilaa maalintii u dambeysey oo aan is dhiibin, qaar wexey ahaayeen Culimo waaweyn, qaar wexey ahaayeen Amiirro Gaalada (Camiilla) u noqday, qaar kale wexey ahaayeen kuwa is dhiibey, nin walbii wuxuu geystey Aakhiruu helayaa, hase yeeshee, adduunkii laga qaad, dalkiina laga qabsey, kanaa Mujaahida iyo Kanaa Camiilana wax weyn dagaalka Masiirigaa ee Ummadaha kama bedelin marka adduunkan la joogo, aakhira nin iyo camalkiis.

 

Dhinaca Gaaladana, Boqorkii Faransiiska ee Sharl Martl, iyo Boqoraddii Izabella, wey shirkoobeen, Cadaawaddii ka dhexeyseyna dib ayey u dhigteen, si ay horta Muslimiinta Andalus uga nadiifiyaan. Geesiyadii markaa dagaalamayey – Qarnaada oo ugu dambaysey dagaalla qadhaadh ka galay - iimaan iyo geesinimo uma yarayn, laakiin, Ummaduhu si ay u jiraan wax geesinimada iyo Nafhuridda keliya ka badan ayey u baahan yihiin oo farsama& maamul ah, Sunan iyo Qawaaniin ka duwan tan aakhiro ayaana xukunta. Hadaad Qawaaniinta aakhiro ee taqwada iyo camalka keliya lagu kala fadilanyahay adduunka maamulkiisa ku xukuntana wax badan ayaad ka ilduufeysaa.

 

Wadaadada Soomaaliya ee Midna Wardhiigley ka khudbaynayo, Midna Buurta Madaxtooyada Saaranyahay, Mid walbaana na leeyahay, (Khadarkii) lasoo diraan ahay (Burji iyo Barwaaqana) anaa haya ( Xaqqa iyo Sawaabkana) niman aniga ahayn loogu iman maayo, haddeey garan waayaan Cadawga Soomaaliya inaan jabhado ka hortegikarin ee Dawladnimo looga hortegi karo, Dawladna in Dawladi ka hortagto ee aan xisbiyo ka hortegin, Hadeey garan waayaan cadaawadda iyaga u dhexeysa iney ka weyntahay midda iyaga iyo Cadawga soo jireenka ah dhextaal.

 

Haddeey u fududaatay labada dhinac iney Addis Ababa iyo Asmara Melez Zenawi iyo Asias Afowarke kula kulmaan, siyaasad iyo maslaxo darteed – sidey ina leeyihiin – Laakiin ay ku adkaatay iney iyagu Muqdisha iyagoo wada deggan isku arkaan, lana garan la'yahay Maslaxadda iyo Siyaasadda – keentay iney nimankaas aan la diinta ahayn, oo la dhaqanka ahayn, oo la masiirka ahayn, wax la wadaagaan, una diidey iyagoo isku diina oo isku dhaqana oo isku afa, oo isku masiira, iney wax wadaagaan, ama wada hadlaan, intaasuba haddeey dhacday, sow in la yiraahdo maaha:

 

War Wadaadada Soomaalidu Ayaan Daranaa Ma Awlaaddii Aw Jaamac baa!!

 

Waxaa laga yaabaa, dad badani inaaney ogayn, wixii Andalus ka dhacay waxaan ka yarayni iney India ka dheceen. Dawladda Muslimiintu wexey India ka taagnayd in ka badan 8 qarni, ilaa isticmaarkii ingiriisku soo galo. Dawladda Muslimiintu wexey lahayd Xadaarad, Xoolo iyo Xukun Xoog leh oo raasikha, meesha yurub iyo ingiriisku ay macaluul la baqtinayeen.

 

Wuxuu leeyahay Edward Terry – Kitaabkiisa (Early Travels in India) (Safardii u horreyey ee Hindiya):

 

((Boqorka Mogulkaa ee weyn aragtidayda waa Imbaradoorka bariga ugu weyn baaxadda dhulka uu xukumo, xoolaha lixaadka leh ee uu haysto iyo wax soo saarka aadka u faraha badan ee dhulkiisa kasoo baxa. Dhulkiisa aadka u baaxadda weyni wuxuu la ciir ciirayaa hodonimo xad dhaafa, heer ay isku filantahay dhinac walba oo aaney cid kale kaalmo uga baahnayn)).

 

Sidaas darted ayaa magaalooyinka Muslimiinta India ahayd kuwa adduunka ugu qurux badan oo ugu hodon san, heer ay ingiriisku Markey booqasho ku tagaan, qalbigu argagax iyo amankaag la ruqi jirey, waxa qurux, hanti, iyo xoog meesha yaal, akhri haddaad doonto, kitaabka (Lord Clive) – markhaatigooda ayaan kuu soo qaadayaa – ( Rise of Christian Power in India, Calcutta 1931. ( Soo bixitaankii Xoogga Kirishtaanka ee Hindiya) wuxuu leeyahay:

 

(( Magaalada Murshid Abad Wexey leegtahay London xagga Baaxadda iyo Nidaamka, wexey ku cammirantahay dad iyo xoolo, Hase yeeshe wexey Murshid Abaad la dheertahay farabadnida Tujaarta waaweyn iyo dadka raasumaalka badan haysta)).

 

Laakiin sida uu leeyahay Taariikh yahanka hindigaa ee Muslimkaa, Dr. Qudratallah Al Hussaini kitaabkiisa ( Cabdulxay Al Xasani – Taariikh yahanka weyn ee India):

 

(( Amiiradii Muslimiinta ayaa si weyn isu khilaafay, Madaxtooyadooduna wexey noqotay mel dibin daabyo iyo jar laysu dhigayo, dagaalla sokeeyana wey ka dillaaceen iyagoo marar badan isu adeegsanaya cadawga islaamka si ay u dulleeyaan walaalohood Muslimiinta kale, heer ay noqotay xukuumaddii Muslimiintu wax ay ku baayac mushtaraan oo kala gataan ingiriisku))

 

Waxaa la oran karaa ingiriisku kuma qabsan xoog Dawladdii Muslimiinta Hindiya, mana hawaysan Karin, laakiin Muslimiinta ayaa isu jebiyey, Sida Wadaadadan Soomaalidu Lugaha isu jiidayaan maanta, iyagoo Moodaya iney diin u adeegayaan (Caqli xumooy ba'). Ingiriiskaana Markhaati ka ah. Wexey leedahay qoraa Ingiriisa oo la yidhaahdo: Mrs. Annie Besant kitaabkeeda (How India wrought for freedom):

 

(( Dagaalka Shirkaddii Ingiriisku ma ahayn dagaal ciidan ee wuxuu ahaa dagaal ganacsi. Ingiriisku Hindiya Seeftiisa kuma furan ee wuxuu ku furtay seefta dadkii hindida ahaa, iyo laaluush, mu'aamaro, munaafaqnimo, qaybi oo xukun, qaarba qaarka kale ku ***, dagaalka ka dhex oog)).

 

Haddeey Wadaadada Soomaalidu garan waayaan Dagaalku inuusan ahayn Shariif iyo Xasan Daahir, Cumar Iimaan iyo Janaqow, Mukhtaar Roobow iyo C/qadir Cali Cumar, ****** iyo *******, Isxaaq iyo Digil iyo Mirifle. Haddeey garan waayaan in Dagaalku ka baaxad weyn yahay Kaaraan anaa haysta iyo No. 4 anaa joogaa, Dekedda Muqdisha anaa fadhiya iyo Anna tan Kismaayaan haystaa, Hadeeyan garwaaqsanayn in dagaalku yahay Soomaali iyo wexey diin iyo dal xambaarsantahayba halla waayo, Geeska Afrika Dawlad weyn oo Muslimiinta ku abtirsataa yey kicin noocey doontaba ha noqotee, Hadeeyan Fahmi Karin siraacu inuu yahay laba diin, laba dal, laba xadaarad, laba taariikh, laba ummad, laba dawlad, kana baaxad weynyahay kooxo iyo afraad, haddaaney intaa garan Karin, amase garanayaan, laakiin damaca shakhsigaaye indhatiray, sow in la yiraahdo maaha: Wadaadada Soomaalidu Ayaan Daranaa Ma Awlaaddii Aw Jaamac Baa!

 

Waxba yuu hadalku ila durkine waxaan ku soo afjarayaa, Ninka aan u adkaysan Karin walaalkiis Muslimihi inuu aragti ku khilaafo, lana noolaado, lana shaqeeyo, uma qalmo hoggaanka dal yar in loo dhiibo iska dhaaf adduunka in loo dhiibo.

 

Dadka aan Usuusha iyo Kulliyaadka waaweyn ee diintooda iyo noloshooda iyo masiirkooda ku midoobi Karin, kuna wada shaqayn Karin, haba isku khilaafaan, qaar ka mida furuucda Usuushaas waaweyn iyo wasiilooyinka fulinta, uma qalmaan in dhulka ilaahay loo makiniyo, mana aha kuwa hoggaanka adduunka qaban kara.

 

Ninka Caddaaladiisu deeqi kari weydey walaalkiis Muslima, oo weliba qaraaba ah, lagama sugayo kuwa ka fog inuu caddaalad deeqsiiyo. Sidaas darteedna laguma aamini karo hogaanka iyo hagidda uunka Ilaahay abuurtay ee caddaaladda iyo naxariista u ooman.

 

Waxaa soo haray, kelimad u baahan in laga hadlo oo taariikhdu qorto, inta ilaa hadda dhacday ka badanna aan loo dul qaadan Karin. Kelimaddaasu waxaa weeye: Haddii raggaan indhabeelku ku dhacay, ee saarku ka degi la'yahay, qummanohoodu qoorta ugu jiro, oo cidna aaney dheg u jalaq siinayn, maxaa Ummadda iyo Culimadeeda la gudboon, Ilaa goormase ayaa (filimkan) dhibka badan la daawanayaa? Qoraalka ku xiga ayaan kusoo qaadi inshallaahu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Muxamad Idris Axmed nailed it down squarely and simplified for the gullibles in our midst to digest if they wish so oo Rabbi solonsiiyo..thanks Xiin for sharing this

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this