Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo awaamiir amni dul-dhigtay dhammaan gaadiidleyda sababa la xiriira dagaalka Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
calanka.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Amar ka soo baxay wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland ayaa lagu faray dhammaan muwaadiniinta in ay magacyadooda ku qortaan gaadiidkooda sababo la xiriira in ay Puntland ku jirto xaalad dagaal.

“Maadaama xaalado dagaal wadanku ku jiro, Muwaadin kasta waxaa la farayaa inuu isku qoro mulkiyada Gaariigiisa, laga bilaabo taariikhdu markay tahay February 23, 2025” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland.

“Hadaba, habraaca iyo shuruudaha laga rabo muwaadinka magaca gaariga bedelanaya waxa lagarabaa inuu tago xafiisyada waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta ee Dawladda Puntland” ayuu sii raaciyay go’aanka wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka.

Dowladda Puntland waxay sheegtay in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadayso muwaadinkii aan magaciisa ku qoran baabuurka uu wato sida uu farayo go’aanka wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka.

Halkaan ka akhriso qoraalka

FB_IMG_1740392561991.jpg?resize=720%2C91

PUNTLAND POST

The post Puntland oo awaamiir amni dul-dhigtay dhammaan gaadiidleyda sababa la xiriira dagaalka Calmiskaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this