Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax ka ogow “khariidadda aan la arkin” ee ballan-qaadeysa inay nabad kusoo dabbaasho Bariga Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

50-ka sano ee soo socda ma heli doontid hal hoggaamiye oo Israa’iil ah oo kuu soo jeediya waxa aan hadda idiin soo jeedinayo.

” Saxiix! Saxiix oo aan beddelno taariikhda!”

Waxay ahayd 2008-dii. Ra’iisul wasaarihii Israa’iil Ehud Olmert, wuxuu ka codsanayay hoggaamiyaha Falastiiniyiinta inay aqbalaan heshiis uu rumaysan yahay inuu nabad ku soo dabbaali karo Bariga Dhexe.

Waxay ahayd xal laba dawladood ah, rajo maanta u muuqata mid aan suurtogal ahayn.

Haddii la hirgeliyo, waxay abuuri lahayd dawlad Falastiiniyiin ah in ka badan 94% Daanta Galbeed ee la haysto.

Khariidadda Olmert uu dejiyay hadda waxay leedahay xaalad khuraafaad ku dhow. fasiraad kala duwan ayaa soo baxayay sanadihii lasoo dhaafay, balse waligiis warbaahinta uma soo bandhigin ilaa hadda.

Israa’iil iyo Falastiiniyiinta: Waddadii 7-da Oktoobar, taxanihii ugu dambeeyay ee filim sameeyaha Norma Percy oo laga heli karo iPlayer laga bilaabo Isniinta, Olmert wuxuu daaha ka qaaday khariidadda uu sheegay inuu ku tusay Mahmoud Abbas kulan ka dhacay Qudus 16kii Sebtembar 2008.

“Tani waa markii ugu horeysay oo aan khariidaddan u bandhigo warbaahinta,” ayuu u sheegay filim-sameeyayaasha.

Waxay si faahfaafhan u muujinaysaa, soodinta uu Olmert u qorsheeyey in lagu daro israa’iil 4.9% Daanta Galbed

Taas waxaa ku jiri lahaa kooxo waaweyn oo dejinta Israa’iiliyiinta ah si la mid ah soo jeedintii hore ee soo taxnayd dabayaaqadii 1990-meeyadii.

Taa baddalkeeda, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in Israa’iil ay ka tanaasuli doonto in le’eg oo Israa’iil ah, oo ku yaalla cirifyada Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa.

Labada soohdimood ee Falastiiniyiinta waxaa isku xiri doona waddo weyn.

KHAIIRADA

Filimka, Olmert waxa uu dib u xasuustay jawaabta hoggaamiyaha Falastiin.

“Wuxuu yiri: “Ra’iisul Wasaaruhu , tani waa mid dhab ah, aad iyo aad iyo aad bay u dhab u tahay.”

Muhiimadda weyn ee qorshaha Olmert, waxaa ku jirtay xal soo jeedin ah oo ah arrinta qodxaha leh e Qudus.

Dhinac kastaa wuxuu awood u yeelan doonaa inuu sheegto qaybo ka mid ah magaalada inay tahay caasimaddooda, halka maamulka “holy basin”- oo ay ku jirto magaalada qadiimka ah, oo leh goobaheeda diimeed, iyo meelaha ku dhow – laguna wareejin doono guddi wakiillo ah oo ka kooban Israa’iill, Falastiin, Sacuudi Carabiya, Jordan iyo Maraykanka.

Saamaynta khariidada, degsiimooyinka Israa’iiliyiinta, waxay ahaan lahayd mid weyn.

Haddii qorshaha la hirgalin lahaa, tobanaan bulsho, oo ku kala firirsan Daanta Galbeed iyo Dooxada Urdun, waa la daadgureyn lahaa.

Markii ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil, Ariel Sharon, uu dhowr kun oo Israa’iiliyin ah oo degganaa Marinka Qasa uu xoog kaga saaray 2005-tii, waxaa loo arkayay dhaawac qaran oo soo gaaray kuwa midigta Israa’iil.

Daad gureynt inta badan Daanta Galbeed waxay u taagan tahay caqabad weyn oo aan dhammaad lahayn, oo ku lug leh tobanaan kun oo dejin ah, oo leh khatarta dhabta ah ee rabshadaha.

Laakiin itijaabadu waligeed ma iman.

Dhamaadkii kulankooda, Olmert waxa uu diiday in uu Maxamuud Cabaas ku wareejiyo nuqul ka mid ah khariidadda haddii aanu hoggaamiyaha Falastiin saxeexin.

Cabaas wuu diiday isagoo sheegay inuuu baahan yahay inuu tuso khubariisa khariirada, si uu u hubiyo inay si sax ah u fahmeen waxa loo soo bandhigay.

kHARIIRADA

Olmert ayaa sheegay in labadoodu ay ku heshiiyeen kulanka khubarada khariirada ah maalintii xig

Waan kala tagnay, waad ogtahay, sida aan ku dhownahay inaan qaadno tallaabo taariikhi ah oo hore loo qaado,” ayuu yiri Olmert.

Kulanku dib uma dhicin. Markii ay habeenkaas ka soo ambabaxeen magaalada Quddus, wuxuu soo xusuustay jawigii uu ku jiray markii gaariga, madaxa shaqaalaha ee Madaxweyne Cabaas Rafiiq Xuseen.

“Dabcan, waanu qosolnay,” ayuu ku yiri filimka.

Falastiiniyiinta ayaa aaminsan in qorshahaasi uu ku dhintay biyaha. Olmert, ayaa waxaa soo wajahay fadeexad musuq-maasuq, wuxuuna horey u shaaciyay inuu qorsheynayo inuu is casilo.

Xaaladda Qasa ayaa sidoo kale arrimaha sii cakirtay. Ka dib bilo weerarro gantaallo ah oo ka dhacayay dhulka ay maamulaan Xamaas, Olmert waxa uu amar ku bixiyay weerar weyn oo Israa’iil ah, Operation Cast Lead, dhamaadkii Disembar, kaas oo dhaliyay saddex toddobaad oo dagaal ba’an.

Laakiin Olmert wuxuu ii sheegay inay “inay aad u wacnayd” in Cabbaas uu saxiixo heshiiska.

Doorashooyinka Israa’iil ayaa daba socday bishii Febraayo. Benjamin Netanyahu oo ka tirsan xisbiga Likud, oo si weyn uga soo horjeeda qarannimada Falastiin, ayaa noqday ra’iisul wasaare.

Qorshaha Olmert, iyo aragtida khariidad ayaa ka libidhay .

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay inuu weli sugayo jawaabta Cabbaas, balse qorshihiisu wuxuu ku biiray liiska dheer ee fursadaha uu lumiyay si loo soo afjaro colaadda Israa’iil iyo Falastiin.

Laakiin adduunku intaas wuu ka adag yahay, gaar ahaan tan iyo markii ay labada dhinac saxiixeen heshiiskii taariikhiga ahaa ee Oslo 1993kii.

Geedi-socodka nabadda ee uu keenay gacan qaadka cawska Aqalka Cad ee u dhexeeya ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil Yitzhak Rabin iyo hoggaamiyaha Falastiiniyiinta Yaasir Carafaat ayaa lahaa daqiiqado rajo dhab ah, oo ay ku habsatay masiibo. Ugu dambeyntii, waxay keentay guul darro.

Waxaan marqaati ka ahaa is-waafajin la’aantan markii hore 24 sano ka hor.

Bishii Janaayo 2001, goobta dalxiiska ee Masar ee Taba, gorgortanka Israel iyo Falastiin ayaa mar kale arkay qodobbada heshiiska.

Khariidadda ku dul taal xaashida, sida khariidadda Olmert siddeed sano ka dib, waxay muujisay waxa laga yaabo inay ahaayeen.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this