Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo 35 Sano Kadib Ka Baxday Liiska Dowladaha Lagu Leeyahay Qaaraanka Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 35 sano ah ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha aan bixin qaaraanka Qaramada Midoobay.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay si rasmi ah u buuxisay waajibaadkeeda dhaqaale ee Qaramada Midoobay, taasoo fure u ah ka qeybgalkeeda buuxa ee go’aan gaarista hay’adaha sare ee ururkaasi.

Qaramada Midoobay waxay xubin kasta ka rabtaa inay bixiso lacag loogu talagalay maalgelinta hawlgallada, howlaha horumarinta, iyo shaqada hay’adaha kala duwan ee QM.

Dowladaha aan bixin waajibaadkooda dhaqaale muddo labo sano ah oo xiriir ah waxay lumiyaan xuquuqdooda cod-bixineed ee fadhiyada golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, taasoo saameyn ku yeelan karta doorkooda caalamiga ah.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, dalka wuxuu wajahayay caqabado dhaqaale oo adag, taasoo keentay in uusan si joogto ah u bixin lacagihii laga rabay. Hase yeeshee, dadaallada dowladda federaalka ee xilligan iyo horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta dhaqaalaha ayaa suurageliyay in Soomaaliya ay iska bixiso lacagihii lagu lahaa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this