Sign in to follow this  
Deeq A.

S/LAND oo qaaday tallaabo ka dhan ah Itoobiyaanka – Maxaa dhacay maanta?

Recommended Posts

Deeq A.   
Itoobiyaan-Hargeysa.jpg?fit=1290%2C852&s

Hargeysa (Caasimada Onliene) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta bilowday musaafurinta dadka Itoobiyaanka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga gudaha deegaannada maamulka.

Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland ayaa saaka aroortii bilaabay ololaha lagu masaafurinayo dadka Itoobiya u dhashay ee sida sharci-darrada ah ama tahriib ahaan ku soo galay Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu arkayay qaar ka mid ah suuqyada magaalada, halkaas oo ay si toos ah uga fulinayeen hawl-gallo lagu raafayo dadka aan haysan dukumiintiyada saxda ah ee oggolaanaya joogitaanka Somaliland.

Ciidanka ayaa baabuur shabagle ah ku guraayay dadka Itoobiyaanka ah ee laga qab-qabtay suuqyada magaalada iyo gudaha xaafadaha magaalada Hargeysa, kuwaasi oo si sharci-darro ah ugu joogay caasimadda, sida ay sheegeen.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay xukuumadda Somaliland ku xakameynayso muhaajiriinta aan sharciga haysan, iyadoo la adkaynayo habraacyada socdaalka iyo amniga gudaha.

Dadka sharci-darrada ku jooga maamulka ayaa inta badan loo musaafuriyaa sababo la xiriira dhanka ammaanka, iyadoo maalmihii dambe ay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka dhacayeen falal amni darro, kuwaasi oo u badnaa dhaca shacabka iyo ganacsiyada.

Dhawaan, maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ka musaafuriyay boqolaal Itoobiyaan ah, xilli uu maamulkaasi ka socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, kaasi oo maraya marxalad xasaasi ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this