Sign in to follow this  
Deeq A.

Aadan Madoobe oo go’aan ka soo saaray xildhibaanadii laga mamnuucay kulamada BF

Recommended Posts

Deeq A.   
xildhibaanada-baarlamanka-BF.jpeg?fit=20

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulamada Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka loo fasaxay illaa 15 Xildhibaan oo horay looga mamnuucay ka qeyb-galka kulamada golaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe ayaa xeer uu soo saaray ku fasaxay Xildhibaannadan oo deegaan ahaan ka soo jeeda Jubbaland.

Xildhibaannadan ayaa horay looga joojiyay kulamada, kadib markii kulamadii u dambeeyay ee Kalfadhiga 5-aad ay fowdo ka sameeyeen, waxaana uu guddoomiyaha kula dardaarmay Xildhibaannada inay ilaaliyaan dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii habeen hore heshiis laga gaaray in aan wax buuq ah lagu sameyn hadal-jeedinta Madaxweynaha ee furitaanka Kalfadhiga 6-aad oo Xildhibaannada Mucaaradka ku hanjabeen.

Xildhibaannada ayaa lasoo warinayaa inay deganaantii shalay ku bedesheen in la fasaxo Xildhibaannada laga joojiyay kulamada, kuwaasi oo ugu dambeyntii maanta loo fasaxay ka qeyb-galka kulamada golaha.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka markuu tixgaliyay in ay lagama maarmaan taahy ilaalinta guntanka (kooramka) lagu xusay qodobka 23-aad iyo 24-aad, loona baahan yahay in uu dhameystirmo, si Golaha Shacabku u guto waajibaadka horyaalla Kalfadhiga 6-aad si waafaqsan qodobka 69-aad ee Dastuurka iyo qodobka 2-aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, wuxuu go’aamiyay in dib loogu fasaxay xubnahan ka qayb-galka fadhiyada,” ayaa lagu yiri warqadda uu guddoonka ugu fasaxay xildhibaannada kulamada golaha.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa faray Habdhowraha Golaha Shacabka dhaqan-gelinta go’aankan, si waafaqsan qodobka 18-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Hoos ka aqriso magacayada Xildhibaannada
480665341_9158939694161480_3539316102684

481170312_9158939687494814_5810703485480

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this