Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiiradda Somalia oo deg-deg u ansixiyay qorshaha isbeddelka…

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha-Wasiirada.jpg?fit=2048%2C1366&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah, kahor kulankoodii toddobaadlaha oo ku aadana Khamiista ayaa ansixiyey qorshaha isbeddelka qaranka (NTP-2025-2029).

Ujeedka deg-deg loogu ansixiyay qorshahan ayuu goluhu ku sheegay si loo xaqiijiyo hiigsiga horumarineed ee dalkeenna u jiheystay.

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu ansixiyey xeerka dhismaha xarunta qaran ee horumarinta reer Miyiga iyo xalka waara.

Intii uu socday kulanka golaha ayaa waxaa kale oo lagu meel-mariyay siyaasadda qaran ee dhismaha machadka sare ee tababbarka iyo horumarinta sharciga.

Xeerka dhismaha xarunta qaran ee horumarinta reer Miyiga iyo xalka waara, ayaa mudnaan gaar ah u leh horumarinta reer guuraaga Soomaaliyeed, si loo helo hannaan horumarineed oo yareynaya saboolnimada iyo barakaca, isla markaana kobcinaya dhaqaalaha reer guuraaga.

Golaha ayaa ku bogaadiyey guulaha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, iyaga oo ka hortagay dhagaro ay u maleegayeen bulshada Soomaaliyeed.

Muxuu yahay qorshaha isbeddelka qaranka?

Qorshahan oo loo yaqaano NTP ayey xukuumadda ku sheegtay mid tusaale u ah hannaanka cusub ee ay qaadday Soomaaliya, kaas oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah. Sidoo kale wuxuu ku saleysan yahay ka faa’iideysiga khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si loo gaaro horumar waara.

Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) oo beddelaya qorshihii 9-aad ee horumarinta qaranka (NDP), ayaa horseedi doona hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu xambaarsan yahay qorshayaal dhowr ah oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale, sida ay horey u sheegtay xukuumadda Soomaaliya.

Si kastaba, fulinta qorshan ayaa socon doona muddo shan sanno ah oo ka bilaabmi doonta horraanta sanadkaan 2025 illaa Deceembar 2029.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this