Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi oo shaaciyey cawaaqibka go’aanka uu Mareykanka ka qaatay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
fiqi-1.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay saameyn ku yeelan doonto hakinta uu Maraykanku ku sameeyay taageerada milatari iyo gargaarka uu siin jiray Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo wareysi siiyay VOA, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku qasbanaan doonto inay buuxiso kaalinta uu Maraykanku banneynayo.

“Arrintaas culeys dhaqaale ayey nagu tahay, waa la ogyahay dhaqaalaha dowladda Soomaaliya waa xaddidan yahay. Sanadkii hore qorshaha miisaaniyadeed ee Soomaaliya waa la dejiyay, balse laguma tashan in kaalmada Maraykanka ay meesha ka bixi doonto,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in safarka uu Maraykanka ku tegay uu yahay mid Maraykanka looga codsanayo in Soomaaliya laga reebo dalalka laga hakiyay taageerada.

“Dowladda Soomaaliya waxay diyaarsatay qorshayaal lagu buuxinayo hakadka soo kordhay. Bilaha hore culeys wuu keeni doonaa, laakiin haddii aan isku tashi muujino, waan ka guul gaari doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Fiqi.

Dhanka gargaarka, Wasiirka ayaa sheegay in hay’adda Maraykanka ee bixisa gargaarka bini’aadannimada, USAID, ay si weyn u kaalmeyn jirtay Soomaaliya oo soo martay abaaro iyo marxalado kala duwan oo aad u dhib badnaa.

“Runtii, Soomaalidu waxay geli lahayd xaalado khatar ah haddii hay’addaasi aysan kaalmeyn,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray: “Abaarihii Soomaaliya ku dhuftay 2022 macaluul ayey isku beddeli lahaayeen haddii kaalmada hay’adda USAID aysan jiri lahayn.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan ay xaaladda Soomaaliya xun tahay, iyadoo hay’adda SoDMA ay ka digeyso roob-yari.

“Marka, weli dowladda Soomaaliya waxay rabtaa inay xiriir wanaagsan la sameyso dowladda Maraykanka, si haddii dowlado si gaar ah xaaladooda loo tixgelinayo ay jiraan, Soomaaliya lagu soo daro – ilaa inta ay cagaheeda ugu istaagayso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Fiqi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this