Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ka hadashay faro-gelinta Imaaraadka iyo xiriirka labada dal

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-Imaaraadka-scaled.jpeg?fit=

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, isagoo hoosta ka xariiqay inay jiraan talaabooyin ay qorsheynayso Soomaaliya.

Fiqi oo wareysigaan siiyey VOA ayaa ugu horeyn la weydiiyey sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u aragto safarkii uu Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ku tegay dalka Imaaraadka, iyadoo la siiyey maamuuska dal madax-banaan.

Fiqi oo ka jawaabay su’aashaas ayaa yiri “Horta Somaliland waxay ka mid tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya, waan arkeynay waxa Imaaraadku sameeyey, hadana wax kasta waxaa sabab u ah heerka aan joogno, balse waxaa socda qorsheyaal aan dejineyno.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaaliya, ayaa intaas ku sii daray, “waad arkeyseen in Axmed Madoobe uu Kenya tegay, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan raali ka aheyn, marka qorshe guud ayaan ka yeela doonaa.”

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in dowlad goboleedyada kale ay tagaan Imaaraadka, balse dowladda federaalka Soomaaliya ay wado qorshe ay ku xakameyneyso fadqalalahaas.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waa fiican yahay oo ma xuma, laakiin waxyaalaha qaar oo dowladda Soomaaliya ay talaabooyin ka qaadi doonto ayaa jira, waxaan ka dhabey doonaa in dalka Soomaaliya aanaan faro-gelin u ogoleyn,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaaliya, ayaa cadeeyey in sida Imaaraadka ay jiraan dowlado kale oo si aan habooneyn u faro-geliya arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu xakamey doono qorshaha ay diyaarineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa midooyinkii dambe sii kala fogaanayey sababo la xiriira faro-gelinta qaawan ee Imaaraadka Carabta uga imaaneysa dalkaan soo kabanaya, waxaana suurtagal ah in mar kale uu go’o xiriirka labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujineysa dulqaad, maadaama Xasan Sheekh doonayo in wadan kale uusan colaadin, sidoo Kalena Imaaraadku uu meelaha qaar dhaqaale uga taageero Soomaaliya, taasi oo sababtay dulqaadka badan ee dowladda Soomaaliya ay u muujineyso sii socoshada xiriirka labada dal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this