Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha duqeymo culus oo ka dhacay PUNTLAND

Recommended Posts

Deeq A.   
Duqeyn.jpg?fit=800%2C485&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay duqeymo diyaaradeed oo uu Mareykanka ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo culus.

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in duqeymaha ay la socotay, isla markaana la fuliyay fiidkii 21-kii Febraayo iyo shalay 22-kii Febraayo 2025-ka iyada oo tilmaamtay in lala beegsaday firxadka maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan halkaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weeraradan lagu dilay ugu yaraan 3 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kalena aanu jirin khasaare soo gaaray rayidka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska AFRICOM waxa ay sii wadi doontaa qiimeynta natiijooyinka hawlgalkaasi, oo wali socda, wixii ka soo kordhana waxaan la socodsiin doonaa dadweynaha” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda dhexe.

Hoos ka khriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Muqdisho, 23-ka Febraayo 2025: Hawlgal duqeymo ah oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu bartilmaameedsaday firxadka maleeshiyaadka Daacish ( ISIS) ee ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Caal-miskeed ee gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Hawlgalka duqeymaha ah oo si guul ah ay u fuliyeen Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliya waxa ay dhaceen fiidkii  21 Febraayo iyo shalay 22-ka Febraayo 2025, waxaana lagu taageerayay hawlgalka geesiyaasha Ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan haraadiga Khawaarijta Daacish.

Qiimeynta hore ee hawlgalka ayaa muujineysa in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeymaha, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray rayidka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska AFRICOM waxa ay sii wadi doontaa qiimeynta natiijooyinka hawlgalkaasi, oo wali socda, wixii ka soo kordhana waxaan la socodsiin doonaa dadweynaha.

480574184_1143238407842764_1199390205421

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this