Sign in to follow this  
Ahmed_Guree

Prof. Kinfe: Waxaa Naciilay Dhaqaalo Daro Ee Soomaaliya Qabashadeeda Waxba Inagu Ma

Recommended Posts

Washington, 11/14/2006 - La taliyaha qaaska ah ee ra'isulwasaaraha dalka Itoobiya, Prof. Kinfe Abraham, oo dhawaan uu Meles u soo diray magalaada Washington ee xarunta looga taliyo dalka Mareykanka si halkaasi uu difaac uga galo ayaa maanta la hadlay qeyb yar oo ka tirsan jaaliyada Itoobiyanka kadib markii uu kulankan kala dhuuntay inta badan jaaliyada Amxaarada oo aad uga soo horjeeda nidaamka Tigreega.

 

Sidii doorashadii dhexe ee Mareykanka ay ugu guuleysteen Xisbiga Democratiga waxaa walwal weyn galay xukumada Meles Zenawi oo ka cabsi qabta in Congresska Mareykanka u codeeyo qodob dhigaya in dowlada Meles ay sameyso isbadal siyaasadeed oo dagdag ah ama ay la kulanto cunoqabateyn.

 

Si arintaa dowlada Itoobiya uga hortagto waxaa Meles uu Washington u soo diray Prof. Kinfe oo lagu tilmaamo gacantiisa midig, isla markaana madax ka ah ururka Ethiopian International Institute for Peace and Development (EIIPD), lana sheego inuu yahay maskaxda ka danbeysa hanaanka siyaasadeed ee dowlada Itoobiya ee ku wajahan dalka Soomaaliya. Prof. Kinfe oo maanta la hadlayey qeyb yar oo Tigree u badan oo ka tirsan jaaliyada Itoobiyaanka ah ee Washington waxaa uu qeexay siyaasada Itoobiya ee Soomaaliya.

 

"Waxaa naciilay dhaqaalo daro ee Soomaaliya qabashadeeda waxba inagu ma dhamo," ayuu yiri Prof. Kinfe.

 

"Hadaanu helayno dhaqaale, Itoobiya sida Nigeria ay West-Afrika ka tahay oo kale ayaanu East-Afrika ka noqon laheyn, oo Soomaaliya intaanu si fudud ku qabano ayaanu dowlada aanu dhisnay ee Baydhabo ku xayiran waxaanu geyn laheyn Muqdisho," ayuu hadalkiisi sii raaciyey Prof. Kinfe.

 

Prof. Kinfe ayaa meesha ka saaray in Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed ay xukumi karto dalka Soomaaliya.

 

"Soomaalidu waa qabaa'ilooyin, marka kooxdaas hal qabiil ayaa u badan, Itoobiyana ma yeeli karto in hal qabiil oo Soomaali ah uu xukumo Soomaaliya," ayuu yiri Prof. Kinfe oo aanan sheegin meesha laga keenayo cida xukumeyso mar hadii Soomaalidu qabaa'il wada tahay oo aynan jirin qolo malaa'ig ah oo samada uga imaneysa.

 

Dowladaha Itoobiya ayaa 16-ki sano ee la soo dhaafay waxey Soomaaliya galisay nidaam ah kanaa reer hebel ah iyo kan waa qolo hebel ee yuunan idin xukumin si Soomaaliya waligeed nidaam u yeelan, waxaase wax lala yaabo ah, waxa Itoobiya ka galay qabiilka Soomaaliyeed!

 

Prof. Kinfe ayaa muujiyey sida aynan u aqbali karin dowladiisa Soomaaliya oo yeelato nidaam dowli ah.

 

"Dhaqdhaqaaqyada iyo isku dayada siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya waa kuwo halis galinaya jiritaanka dowlada iyo shacabka Itoobiya," ayuu carabka ku adkeeyey.

 

Dowlada Itoobiya ayaa marar badan ku celcelisay cabsida ay ka qabto in Soomaaliya ka dhalato dowlad aynan iyada wadanin isla markaana waxey qabaneyso anan laga diyaarinin xafiiska Ato Meles ee magaalada Addis Ababa.

 

Kinfe ayaa sheegay inay dowladiisa garabtaagan tahay madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo xukumadiisa fadhida Baydhabo.

 

"Cabdullahi Yusuf waanu aaminsanahay, sababtoo ah wuxuu ina tusay wax aanu ku aamino. Ninkan wuxuu laayey boqolaal wadaado ah sanadadii 1990-meeyadii, waa nin qibrad milatari leh, waana ninkii ku haboonaa hogaaminta Soomaaliya ee xiligan," ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Prof. Kinfe.

 

Hadalada ka soo yeeray Kinfe Abraham ayaa ah kuwo anaan layaab ku noqoneyn ummada Soomaaliyeed ee ka dharagsan hamiga iyo damaca Itoobiya ee dalkooda iyo in Cabdullahi Yusuf ay u wato Itoobiya sidii ay ugu leyn lahaayd ummada Soomaaliyeed isla markaana ugu burburin lahaayeen diintooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this