Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo soo saartay digniin culus oo ku socota shacabka – Maxaa soo kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   
Puntland.jpeg?fit=1440%2C1335&ssl=1

Boosaaso (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxaa digniin loogu diray shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi, taas oo la xiriirta firxadka kooxda Daacisha ee lagula dagaalamayo gobolka Bari.

Puntland ayaa shaaca ka qaaday in shacabka looga baahan yahay in ay muujiyaan taxaddar dheeri ah, si looga hortego firxadka maleeshiyaadka argagixisada ah oo ay tilmaamtay in lagu soo jebiyay dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad ee Bari.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xubnaha kooxda ay isku dayi karaan inay dhuumaaleysi kusoo galaan magaalooyinka waa wayn, sidaa darteedna shacabka laga rabo inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga Puntland.

“Sidaan ognahay Ciidamada Difaaca Puntland waxay guulo waaweyn ka gaareen hawlgalka ciribtirka argagixisada, taasoo keentay in kooxihii Argagixisada ahaa ay kala firxadaan. argagixisadu waxay isku dayi doonaan inay ku dhuuntaan magaalooyinka, deegaannada miyiga ah, iyo laamiga dheer ee isku xira Puntland.” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ujeedka ayaa ah in laga hortego in dhibaatooyin horleh ay gaysato argagixisada ama inay bad-baadaan xubnaha kasoo cararaya dagaallada ka socda furimaha hore.

“Shacabka Puntland waxaa looga baahan-yahay sidii caadada u ahayd oo lagu yaqaanay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si aysan firxadka argagixisadu fursad ugu helin inay naftooda badbaadsadaan ama isku dayaan inay dhibaatooyin hor leh ka abuuraan gudaha Puntland.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waa mas’uuliyad guud in la ogaado cid kasta oo dhaq-dhaqaaq shaki leh in si degdeg ah loogu wargeliyo laamaha ammaanka.  Dowladda Puntland iyo ciidamada difaacu waxay mar kale u mahadcelinayaan shacabka Puntland oo garab taagnaa hawlgalka lagu ciribtirayo kooxaha Argagixisada. Ha la feejignaado.”

Puntland ayaa weli sii wadda howlgalkeeda, waxayna ciidamadu kusii siqayaan godad waa wayn oo ay kooxda kuu dhuumaaleysaneyo kuna yaalla aagga buuraha Calmiskaad.

480663407_122117398070708362_55108727986

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this