Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay duqaymaha cirka u dhimi karaan Daacish kana caawin karaan ciidamada Puntland ee la dagaallamaya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo buuralleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ay ka socdaan howlagallada ciidamada Puntland kula dagaallamayaan kooxda Daacish ayaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ay duqaymo dhanka cirka ka fuliyeen aagag ku yaalla buurahaasi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedka ku sheegtay in howlgal duqayn ah oo ay iska kaashadeen Maraykanka laga fuliyey buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari ee Puntland.

War-saxaafadeedka oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqaynta oo dhacday 21 iyo 22 bishan Febraayo lagu bartilmaameedsaday kooxda Daacish ee ku sugan buurahaas kuwaas oo dagaal ay ku hayaan ciidamada Puntland.

“Qiimeynta hore ee howlgalka ayaa muujinaysa in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqaymaha, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray rayidka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya waxay intaa ku dartay in iyada oo kaashanaysa howlgalka Maraykanka ee AFRICOM ay sii wadi doonto qiimaynta natiijooyinka howlgalladan oo wali socda.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisa ay ku garab-taagan tahay maamulka Puntland dagaalka uu kula jiro Daacish.

“Waxaan garab taagannahay ciidanka dowlad-goboleedka Puntland iyo shacabka Puntland ee sida geesinnimada leh ugu bareeray inay khawaarijta ka xoreeyaan deegaannada iyo meelihii ay soo galeena dib ay uga bixiyaan” ayuu yiri. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, mar uu khudbad ka jeedinayay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ee shalay.

Maraykanka ayaa dhowaan sheegay in saldhiyo ay ku burburiyeen duqaymihii hore isla markaana ay ku dileen dhowr iyo toban xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish.

Dhanka kale, war ay soo saartay Puntland ayey ugu mahadcelisay howlgalka Maraykanka ee Afrika duqaynta ay ka fuliyeen Calmiskaad.

“Dowladda Puntland waxay bogaadisay duqeymaha joogtada ah ee ciidamada Mareykanka ay ku bartilmaameedsanayaan maleeshiyada Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaas ee gobolka Bari ee Puntland, waxayna si gaar ah ugu hambalyeyneysaa AFRICOM duqeymaha cusub ee habeenadii 21-aad iyo 22-ka bishan February ay ka fuliyeen deegaanka Sheebaab, kaasi oo lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ee Daacish,” ayaa lagu qoraalka Puntland.

Sidaas oo kale wasaaradda warfaafinta ee maamulka Puntland ayaa soo saartay digniinno loo jeediyey dadka ku nool deegannadaasi inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

Maxay duqaymaha cirka u dhimi karaan Daacish?

Laga soo bilaabo billowgii bishan Febraayo, duqayntii uu amray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee laga fuliyey Buuraha Calmiskaad, waxaa xigay dhowr jeer oo kale oo saaxiibbada caalamiga ee Soomaaliya ay duqaymo ka fuliyeen agaggaasi.

Sida uu qabo taliyihii hore ee Ciidanka Dhulka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, duqaymaha ayaa “dhiiri galinaya ciidamada waxayna jabiyaan niyadda cadowga” sida uu sheegay.

Jeneral Biixi waxaa uu sheegay in marka ciidamadu dagaal ku jiraan haddii ay is helaan howlgallada dhulka iyo cirku ay dhaliyaan guulo laga gaaro dagaalka.

“Duqaymaha iyo diyaaradaha caawinayaa, qayb weyn ka yihiin dagaalka sababtu waxaa weeye marka ugu horreysa waxay beegsanayaan talisyada fog fog ee ay ku dhuumaalaysanayaan, waxaa jira godad waaweyn oo aad u waaweyn oo an hubka intiisa kale wax ka tari karin oo iyagu duminayaan ama burburinayaan, iyagu laftoodu waxay isugu jiraan laba nooc, nooca wax sawira oo marka ugu horreeya wax indha indhaynaysa meelaha cadowgu ku jiro, melaha baraha, meelaha taliska ah iyo meelaha gaadiidku yaallo iyo mida duqaynta labaduba waa mihiim” ayuu BBC-da u sheegay jeneraal Biixi.

Jeneral Biixi oo muddo sanooyina hoggaaminayey ciidamada dhulka ee Soomaaliya waayo aragnimmo badanna u leh dagaalka kooxahan ayaa xusay in “duqaymaha cirku ay naafeeyaan kooxaha cadowga ah isku socodkooda, isku gurmadkooda, saadkooda iyo in la beegsado madaxdooda iyo meelaha ay ku jiraan,”

Wuxuu intaa ku daray in queyntu ay kala duwan tahay marka ay timaaddo nooca dhulka lagu dagaallamayo.

“Dhulka lagu dagaallamayo waa dhul dhagax ah, marka dhulku yahay bacaad ah ama dhul dhagax ah ama buuraley ah haddana waa sii kala fir fircoon tahay duqayntu oo dhulka dhagaxa meesha ay ku dhacdanbaa firikaas oo dhan baa qarax noqonaya marka aad bay muhim u tahay, marka waan ku ammaanayaa ciidamada Punland dagaalka ay ku jiraan kooxda argagixisada caalamiga ah,” ayuu intaas raaciyey Jeneraal Biixi.

Jenaraalka, wuxuu sheegay in haddii la sii badiyo duqaymaha la sii gaarayo guulaha dagaalka.

Maamulka Puntland ayaa muddo bil iyo dheeraad ka hor ah dagaal ku qaaday kooxda Daacish oo saldhigyo ku lahayd buuraha Calmiskaad, taliska howlgallada ayaa sheegay in horumarro wanaagsan iyo horu dhaqaaq ay sameeyeen ciidamadu muddadii dagaalku socday.

Source bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this