Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Nin ku qeylinaya “Allahu Akbar” oo weerar ka fuliyey France + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
000_36YC7E6-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&s

Paris (Caasimada Online) – Hal qof ayaa ku dhintay, halka labo sarkaal oo booliis ah si daran loogu dhaawacay weerar toorey oo Sabtidii ka dhacay magaalada Mulhouse ee bariga Faransiiska. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ku tilmaamay weerarkan “fal argagixiso oo Islaami ah.”

Sida ay xaqiijiyeen baarayaasha, weerarka waxaa geystay nin 37 jir ah oo horey ugu jiray liiska la socodka shakiga argagixisada, waxaana haatan lagu hayaa xabsiga, sida uu sheegay dacwad-ooge Nicolas Heitz oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Weerarka ayaa sababay dhaawacyo kale oo gaaray saddex sarkaal oo booliis ah, balse dhaawacyadoodu ma cusla. Labada sarkaal ee si daran u dhaawacmay, midkood ayaa laga dhaawacay halbowlaha, halka kan kalena uu dhaawac culus ka soo gaaray xabadka, ayuu intaas ku daray Heitz.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Bruno Retailleau ayaa sheegay in Faransiisku uu marar badan isku dayay in eedeysanaha dib loogu celiyo waddankiisa Algeria, balse Algeria ay diiday inay aqbasho.

– Weerarka iyo dhibbanayaashiisa –

Waaxda baarista dambiyada argagixisada ee PNAT, oo la wareegtay baaritaanka, waxay sheegtay in eedeysanuhu ugu horreyn weeraray ciidanka booliiska magaalada, isaga oo ku dhawaaqayay “Allahu Akbar”.

Goobjoogayaal la hadlay wakaaladda AFP ayaa sidoo kale xaqiijiyay in eedeysanuhu dhowr jeer ku celceliyay ereyadaas intii weerarku socday.

Nin rayid ah oo isku dayay inuu farageliyo ayaa si xun loo dhaawacay, taasoo keentay inuu geeriyoodo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay PNAT. Sida laga soo xigtay dacwad-oogayaasha magaalada Mulhouse, ninka dhintay wuxuu ahaa 69-jir u dhashay Portugal.

Madaxweyne Macron wuxuu sheegay in aysan jirin “wax shaki ah” oo laga qabo in weerarku ahaa “fal argagixiso”, isaga oo intaa ku daray in uu si gaar ah u yahay “weerar argagixiso oo Islaami ah.”

Wuxuu xusay in dowladda Faransiisku ay ka go’an tahay inay sii waddo “dhammaan dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada gudaha dalka.”

– Isku day tarxiil oo fashilmay –

Liiska la socodka shakiga argagixisada ee FSPRT, oo la aasaasay 2015 kadib weerarradii ka dhacay xarunta wargeyska Charlie Hebdo iyo dukaanka Yuhuudda ee Paris, ayaa ah nidaam isku xira xogaha hay’adaha amniga si looga hortago in dadka shakiga laga qabo ay u xag-jiraan argagixisada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Retailleau ayaa la filayay inuu booqdo magaalada Mulhouse, si uu uga warqaato xaaladda.

Booliisku waxay xireen aagga uu weerarku ka dhacay, oo la sheegay inuu ka dhacay 4:00 galabnimo (1500 GMT), xilli ay halkaas ka socotay mudaaharaad lagu taageerayay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Ciidamada militariga ayaa goobta soo gaaray si ay booliiska ugu xoojiyaan amniga, halka khubaro dhinaca dambiyada ah ay baarayeen caddeymaha, iyaga oo si degdeg ah u shaqeynayay si aysan roobku u baabi’in raadadka dhiigga.

Eedeysanaha, oo asal ahaan ka soo jeeda Algeria, wuxuu horey ugu jiray xabsi guri, waxaana lagu amray in laga masaafuriyo Faransiiska.

Wasiir Retailleau ayaa u sheegay telefishinka TF1 in Faransiisku uu isku dayay 10 jeer in uu dib ugu celiyo eedeysanaha Aljeeriya, balse Aljeeriya diiday inay aqbasho.

“Mar kale, waxaa na weeraray argagixiso Islaami ah,” ayuu yiri Retailleau. Wuxuu intaa raaciyay in “mushkiladda la xiriirta socdaalka ay saldhig u tahay weerarkan argagixiso.”

Xafiiska dambiyada argagixisada ee PNAT wuxuu sheegay in lagu baarayo falkaasi danbiyo la xiriira dil iyo isku day dil oo lagu fuliyay xiriir argagixiso.

Madaxweyne Macron, oo ka hadlayay xilli uu booqanayey carwada wax soo saarka beeraha ee Faransiiska, wuxuu xusay in “qaranku uu garab taagan yahay dhibbanaha iyo qoyskiisa.”

Ra’iisul Wasaare Francois Bayrou ayaa isna sheegay in “xagjirnimadu mar kale naftii ka qaaday qof aan waxba galabsan, waana maalin murugo leh.”

000_36YC7E8-scaled.jpg?resize=696%2C464&

000_36YC7E6-scaled.jpg?resize=696%2C464&

000_36YC7E7-scaled.jpg?resize=696%2C464&

000_36YG3ZZ-scaled.jpg?resize=696%2C464&

000_36YF6CC-scaled.jpg?resize=696%2C464&

000_36YG3ZT-scaled.jpg?resize=696%2C464&

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this