Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahad oo farriin u diray Deni kadib hadalkii Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
Fahad-1.jpeg?fit=1024%2C762&ssl=1

Ankara (Caasimada Online) – Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, ayaa ka fal-celiyey hadal uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu furay kalfadhigga 6-aad ee baarlamanka, oo la xiriira dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish.

Fahad ayaa ku eedeeyay in jawaabta dowladda federaalku ay si weyn dib ugu dhacday.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo Sabtidii ka hor hadlay Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday qorshe lagu dhisayo guddi qiimeyn iyo isku dubarid u sameyn doona kaalinta dowladda federaalka ee dagaalka lagula jiro Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, Fahad Yaasiin ayaa ku tilmaamay go’aankaas mid muddo dheer dib u dhacay. Xikmadaha Yamanta waxaa ka mid ah; أن تأتي متأخراً خير من أن لا تأتي. Inaad soo daahdo waxay dhaantaa inaadan imaanin,” ayuu yiri, isagoo muujinaya in dowladda federaalku ay ahayd inay horey u gacan siiso Puntland. 

“Madaxweyne Xasan, saddex bilood kaddib inuu guddi magacabayo oo uu dhanka Puntland usoo jeestay waa talaabo wanaagsan. Waxaa habboon in Maamulka Puntland ay niyad sami ku soo dhaweeyaan, lana shaqeeyaan Dowladda Federaalka,” ayuu raaciyay. 

“Madaxweyne Saciid Dani, waa inuu ka weynaado siyaasada ku dhisan INYOOW!”

Dhaliisha Fahad Yaasiin ee Madaxweyne Xasan Sheekh waxay la xiriirtaa khilaaf siyaasadeed oo hore u dhex maray labadooda. Sanadkii 2020, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku eedeeyay Fahad Yaasiin inuu burburiyay nidaamka siyaasadda iyo inuu wiiqay xasilloonida hay’adaha amniga. Sidaas darteed, hadalladiisa cusub ayaa loo arki karaa inay qayb ka yihiin loollanka siyaasadeed ee wali taagan.

1-da Febraayo 2025, taliska Mareykanka ee AFRICOM, oo hoos yimaada madaxweyne Donald Trump, ayaa fuliyay duqeyn cirka ah oo lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Daacish oo ku sugnaa Buuraleyda Golis ee Puntland.

Weerarkan wuxuu lagu bartilmaameedsaday xubin sare oo Daacish ah, kaas oo la sheegay inuu qorsheynayay weerarro argagixiso. Sida ay sheegeen qiimeyntii ugu horreysay ee AFRICOM, duqeynta waxaa lagu dilay dhowr dagaalyahan, mana jirin wax khasaare rayid ah.

Kadib duqeynta Mareykanka, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu amaanay howlgalkan, isaga oo sheegay in ay sii xoojinayso xiriirka adag ee Soomaaliya iyo Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada.

Si kastaba ha ahaatee, kaalinta dowladda federaalka ee dagaalka Puntland kula jirto Daacish ayaa noqotay arrin muran dhalisay. Waxaa soo ifbaxay khilaaf ku saabsan isuduwidda iyo taageerada ay Muqdisho siiso Puntland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Puntland ku eedeeyay inay iska diiday taageerada dowladda federaalka ee dagaalka lagula jiro Daacish. “Puntland waxay diiday kaalinta FGS ee dagaalka ka dhanka ah ISIS, waana haynaa caddeymo muujinaya taas,” ayuu yiri Wasiirka.

Si kastaba, Puntland ayaa si adag uga jawaabtay eedeyntaasi, iyada oo ku tilmaantay taageerada dowladda federaalka mid muuqaal ahaan uun jirta balse aan wax macno ah lahayn.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Diriir, ayaa sheegay in Puntland ay u baahan tahay taageero militari oo dhab ah, oo ay ku jiraan hub iyo rasaas, si ay ula dagaallanto dagaalyahannada Daacish ee ku sugan gobolka Bari.

Kala fogaanta u dhaxeysa Puntland iyo dowladda federaalka ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo sida ay Soomaaliya ugu guuleysan karto dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Iyadoo duqeymihii Mareykanka ay muujinayaan muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee la dagaalanka ISIS, khilaafka u dhaxeeya Muqdisho iyo Garoowe wuxuu wiiqayaa dadaallada mideysan ee la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah.

Ma cadda sida loo xallin doono muranka ka taagan doorka dowladda federaalka ee dagaalka ka dhanka ah Daacish, balse khubarada amniga ayaa ka digaya in haddii la waayo is-afgarad siyaasadeed, ay sii adkaan doonto in la wiiqo awoodda kooxaha argagixisada ee ka dagaallama Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this