Sign in to follow this  
Deeq A.

Eritrea oo dib ugu yeeedhay ciidamadii howlgabka noqday, xilli madaxwaynihii hore ee Itoobiya uu ka digay dagaal dhexmara labada dal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muwaadiniinta Eritrea ee ku sugan gudaha iyo dibadda ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dowladda Eritrea ay qasab uga dhigtay in looga baahnaa xubnihii hore ee militariga inay dib ugu laabtaan cutubyadooda si ay dib ugu tababartaan, kuwa kalena ay uga baxaan dalka.

Sida ku cad awaamiirtan, muwaadiniinta da’doodu ka yar tahay 60-ka sano ee ka tirsanaan jiray ciidamada dalkaas waxaa laga rabaa inay is-diiwaangeliyaan oo ay tababar qaataan, sidoo kale dadka da’doodu ka yar tahay 50-ka sano waxaa laga mamnuucayaa inay dalka ka baxaan iyaga oo aan oggolaansho ku habboon ka helin hay’adaha dawladda ee ay qusayso.

Dadka ku nool magaalada Asmara oo la hadlay BBC-da Laanta Tigrinya ayaa sheegay in amarkan ka soo baxay dowladda Eritrea aan si rasmi ah loo shaacin. Sida ay sheegeen dadka deegaanka ayaa dhaqan galka amarkan ka warhelay markii ay tageen deegaanada ay dalka ka baxi rabeen ama tageen goobihii ay ka heli jireen adeegyada kala duwan ee dowladda.

Haweeney u dhalatay dalka Eritrea oo ku nool Yurub oo aan magaceeda qarisay sababo ammaankeeda iyo tan qoyskeeda darteed, ayaa BBC-da Laanta Tigrinya u sheegtay in hooyadeed iyo aabaheed ay ka codsadeen fiisaha bixitaanka si ay ugu safraan dalka ay ku nooshahay, balse aabbaheed oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada Eritrea loo diiday fiisaha balse hooyadeed ogolanshiyo la siiyay.

Amarka ka soo baxay dowladda Eritrea oo la soo marsiinayo dowladaha hoose, ma saameynayo ragga oo keliya, balse sidoo kale wuxuu saameeyaa haweenka, taasoo cabsi ku beertay dadka deegaanka, sida ay BBC-da u sheegeen qaar ak mid ah dadka dalkaasi.

Dadka ku nool magaalada caasimadda ah ee Asmara, ayaa BBC-da u sheegay in shirar ay isugu yeereen lagu soo bandhigayo xogta “xaaladaha hadda ka jira” kuwaas oo tilmaamaya in “haweenka sidoo kale” loo qaadi karo tababar ciidan.

Qasab ku qoridda ciidamadan ayaa xitaa dumarka la qabo ee carruurtooda leh lagu amray in ay dib ugu laabtaan qeybahooda ciidanka, waxaana la sheegay in xubnaha ka baxsaday Eritrea oo si dhuumaaleysi ah ku joogay sidoo kale lagu amray inay dib ugu laabtaan cutubyadooda iyadoo aan la ciqaabin.

Ilo-wareedyo ku sugan dalka Eritrea ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in la sii daayey xubno ka tirsan ciidammada oo sababo iyo dembiyo kala duwan ugu jiray xabsiga, marka laga reebo kuwa dambiyada waaweyn galay, kuwaas oo dib loogu celinayo qaybahooda ciidan ee looga yeeray.

Baaqan ku saabsan tababarka oo ay dawladda Eritrea u dirtay maamullada gobollada, isla markaana laga fulinayo deegaannada, ayaa lagu amrayaa xubnaha ciidamada inay dib ugu laabtaan cutubyadooda, iyadoo sidoo kale lagu amrayo in muwaadiniinta kale ee ku hawlan hawlaha kala duwan ee dalkaas si dhaw loola socdo marka ay dalka ka dhoofayaan.

Markii hore dadka Eriteriyaanka ah ayaa looga baahnaa in ay buuxiyaan shuruudo iyo in ay helaan ogolaanshaha dowladda si ay uga baxaan dalka, laakiin hadda, dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in arrimuhu ay noqdeen kuwo aad u adag.

Shaqaalaha dowladda ee da’doodu ka yar tahay 70-sano iyo sidoo kale xubnihii hore ee shaqada laga eryay ee da’doodu ka yar tahay 60-ka sano, ayaa marka ay doonayaan in ay dalka ka baxaan waxaa laga rabaa in ay warqad ogolaanshiyo ah ka helaan Xafiiska Ciidanka Xoogga dalka.

Sida ku cad awaamiirta cusub ee la soo saaray, haweenka da’doodu ka yar tahay 50 sano, iyo sidoo kale kuwa aan waligood dhalin da’ kasta, waxaa mamnuuc ah inay dalka ka baxaan.

Adeegga milatariga waa ku waajib dalkaEritrea
Xigashada Sawirka,Getty Images
Dumar badan oo ku nool dalka Eritrea ayaa ganacsiyo yar yar ka sameeya badeecadaha ay ka soo dhoofiyaan dalalka Itoobiya, Turkiga iyo Imaaraatka Carabta oo ay u iibgeeyaan gudaha dalka. Mamnuucidda cusub ee ay dowladu ku soo rogtay dumarka ayaa khatar ku abuuray haweenka ganacsiyada yar yar sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.

Dhaqangelinta awaamiirtan ka dib, haweenka sida joogtada ah ugu safra dalal kala duwan oo arrimo ganacsi ah ayaa loo sheegay inaysan dalka ka bixi karin marka ay goostaan tigidh diyaaradeed.

Dowladda Eritrea ayaa dib u soo cusboonaysiisay baaqyo ku aaddan in askartii hore ee milateriga ahayd ay dib ugu soo laabtaan ciidamada, waxayna amarro adag ku soo rogtay dadka kale ee ka baxaya dalkeeda, iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuu sii xumaanayo xiriirka kala dhexeeya Itoobiya.

Toddobaadkan, madaxweynihii hore ee Itoobiya Dr. Mulatu Teshome, ayaa qoraal fikir ah oo uu ku taabacay Aljazeera, ku eedeeyay Eritrea inay billowday dagaal kale oo gobolka ah. Isagoo ka jawaabaya maqaalkii madaxweynihii hore, wasiirka warfaafinta Eritrea, Ato Yamen Gebre Meskel, ayaa beeniyay eedeymaha, taa beddelkeedana wuxuu ku eedeeyay Itoobiya dhibaatooyinka gobolka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this