Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada-hadlay dhismaha iyo horumarinta dekedaha dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya iyo Saldanadda Cusmaan ayaa ka wada-hadlay dhismaha dhowr Dekedood oo ay Soomaaliya yeelanayso ka dib kulan laba geesood oo ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood iyo wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha  iyo Tiknoolijiyadda Suldanadda Cumaan Siciid Bin Xaamud oo dalka soo gaaray ayaa arrintaas ka wada-hadlay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa dhowr dekedood oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo, taas oo Dowladda Cumaan ay doonayso inay kaalin weyn ka qaadato maalgelinteeda.

Kulanka waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan BFS, guddiga qaabilsan dhismaha Dekedda Hobyo, Qaar kamida Ganacstada Soomaaliyeed iyo Safiirka Cumaan ee Soomaaliya, iyagoo ay weheliyeen madax ka socota hay’ado iyo shirkado laga leeyahay dalka Cumaan oo danaynaya inay maalgeliyaan mashruuca dhismaha dekedda Hobyo.

Wasiirka Gaadiidka & Dekedaha Cumaan iyo Ku-xigeenkiisa ayaa si wadajir ah u ballan qaaday in dowladda Cumaan ay si buuxda u maalgelin doonto dhismaha Dekedda Hobyo & Dekedaha kale ee Soomaaliya ee u baahan dhismaha iyo maalgashiga, kuwaas oo kor u qaadi kara koboca dhaqaalaha iyo horumarka kaabayaasha gobolka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this