Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xasan Sheekh oo ka hadlay lacagtii Mareykanka uu hakiyey ee Danab

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-1.jpg?fit=696%2C448&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta ka hadlay dagaalka Khawaarijta iyo dowladaha ku garab siiya Soomaaliya, ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Mareykanka.

Xasan Sheekh ma uusan sheegin magaca dowlad kale, balse wuxuu si weyn ugu mahadceliyey Mareykanka, isagoo dowladaha kale si jamac ah ugu mahadceliyey.

“Waxaan u mahadcelinayaa dowladaha aan saaxiibka nahay, gaar ahaan Mareykanka oo garab nagu siiyey dagaalka Khawaarijta iyo dib u dhiska Ciidankeena Qaranka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahadcelinta Xasan Sheekh ee Mareykanka ayaa ku soo aadeysa iyadoo dowladda Mareykanka ay Soomaaliya ka jaratay taageeradii dhanka milateriga, mashaariicdii horumarinta iyo tii bini’aadannimada.

“Dowladda Mareykanka waxay mar walba noo garab taagan tahay si buuxda. Sidoo kale, dowladaha kale ee caalamka ee dagaalka Khawaarijta nagu garab istaagay waa mahadsan yihiin,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dowladda Turkiga, oo Soomaaliya u dhistay ciidanka ugu badan ee lagu tashto—Gorgor—ayuu Xasan Sheekh maanta magacooda si gaar ah u xusin, lamana oga sababta.

Quburrada milateriga ayaa hadalka Xasan Sheekh ku macneeyay inuu yahay af-gobaadsi, maadaama Mareykanku jartay taageeradiisii, isla markaana la quud-dareynayo in dib loo fasaxo.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii uu xukunka yimid joojiyey dhammaan taageeradii uu Mareykanku siin jiray inta badan dalalka caalamka, isagoo go’aankiisa u sababeeyey qiimeyn uu sameeyey.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor, wareysi uu siiyey SNTV ku sheegay in 90 cisho kadib ay dowladda Soomaaliya rajo weyn ka qabto in Mareykanku dib u fasaxo taageeradii la joojiyey ee uu siin jiray Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this