Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif oo xil u magacaabay Jeesow oo maanta lagu bahdilay xarunta BF

Recommended Posts

Deeq A.   
Jeesow.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow u magacaabay Xoghayaha Arrimaha Amniga iyo Cadaaladda ee xisbigaas.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa hadda noqday mucaaradka ugu hadallada badan ee dowladda federaalka ka weerara warbaahinta, isagoo cadeynaya in hoggaanka dalka ay wax badan ka qaldan yihiin.

Magacaabista Xildhibaan Jeesow ayaa caawa ku soo aaday iyadoo maanta wasiirro ka tirsan xukuumadda ay ka hor istaageen inuu la hadlo saxaafadda, isagoo dhaliilaya dowladda.

Jeesow ayaa maanta markii Xasan Sheekh uu dhameystay khudbadii uu ka hor jeediyey Baarlamaanka, wuxuu damcay in warbaahinta uu kula hadlo banaanka hore ee xarunta golaha shacabka, balse waxaa fowdeeyey oo u diiday inuu hadlo dhowr wasiir oo garbihiisa soo istaagay.

Intaas kadib Xildhibaan Jeesow ayaa isaga tegay goobtii, maadaama la dowdeeyey, wuxuuna caawa tegay xarunta Somali Cable TV, isagoo bixiyey wareysi uu ku weeraray wasiirradii fowdeeyey maanta.

“Dowladda Xasan Sheekh hadii ay iga hor istaageyso hadalkeyga, maxay iigu soo diriweysay wasiirrada kasoo jeeda beelaha hubeysan oo iska key celi kara, maxay iigu soo dirayaan wasiirrada ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay,” ayuu si kaftan u yiri Xildhibaan Jeesow.

Wasiir ku xigeenka dhalinyada Xildhibaan Maxamed Jeego, oo garbihiisa ay taagnaayeen wasiiro kale oo dhalinyaro ah oo Cumar Cali Cabdi, wasiiru dowlaha Gaashaandhigga uu ku jiro ayaa si cad oo bareer ah Jeesow uga hor istaagay hadalkiisa.

“Jeesow waa beenlow, dowladana been kama sheegi karo, kamana hadli doono halkaan, ha iska tago, hadii uu yahay xildhibaan waayey kursi wasiir, anigaa xildhibaan ah, kursi wasiirna ku fadhiya,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhallinyada, Xildhibaan Maxamed Jeego.

IMG_5973.jpeg?resize=696%2C870&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this