Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dowlad Carbeed oo Xasan Sheekh la wadaagtay arrin muhiim u ah dhismaha dekedda Hobyo

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5974.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socda dalka Cumaan, oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ee Saldanada Cumaan, Eng. Saciid Hamood Al Maawali.

Wafdigan ayaa Soomaaliya u jooga sidii ay u sahmin lahaayeen fursadaha maalgashi ee ka jira dalkaan, iyadoo ay noqonayso booqashadii ugu ballaarneyd ee masuuliyiin ka socota Cumaan ay ku imaanayaan Soomaaliya muddo ka badan 30 sano.

Cumaan waxay horumar la taaban karo ka samaysay kaabayaasheeda dhaqaalaha, iyadoo bixisay fikrado qiimo leh oo iskaashi ah. Soomaaliya iyo Cummaan waxay wadaagaan xiriir taariikhi ah iyo dhaqan.

Dhinaca kale, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood ayaa isna qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha  iyo Tiknoolijiyadda Dowladda Cumaan Siciid Bin Xaamud.

Kulanka Wasiirka Dekedaha Soomaaliya uu la qaatay wagdiga Cumaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa dhowr dekedood oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo, taas oo Dowladda Cumaan ay doonayso inay kaalin weyn ka qaadato maalgelinteeda.

Kulanka waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan BFS, guddiga qaabilsan dhismaha Dekedda Hobyo, Qaar kamida Ganacstada Soomaaliyeed iyo Safiirka Cumaan ee Soomaaliya, iyagoo ay weheliyeen madax ka socota hay’ado ka aas-aasan dalka Cumaan oo danaynaya inay maalgeliyaan mashruuca dhismaha dekedda Hobyo.

Wasiirka Gaadiidka & Dekedaha Cumaan iyo Ku-xigeenkiisa ayaa si wadajir ah u ballan qaaday in dowladda Cumaan ay si buuxda u maalgelin doonto dhismaha Dekedda Hobyo & Dekedaha kale ee Soomaaliya ee u baahan dhismaha iyo maalgashiga, kuwaas oo kor u qaadi kara koboca dhaqaalaha iyo horumarka kaabayaasha gobolka.

IMG_5976.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_5975.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_5974.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 eaa89d66-3a03-43d2-83c7-08faca22c678.jpe 3749b4a3-ce43-4be2-a172-935ceff19fb3.jpe bca21a08-dc4a-4428-b1f3-413fd49b7b15.jpe 72565dce-1f25-46ff-bd60-7dabdf723d2e.jpe 6bf34979-22c6-4b84-b1c1-96e01b455d08.jpe 4b5cb6a2-57e2-49c8-8ec6-c0267b46bce8.jpe bf6ed091-e362-45cb-a9af-f548ea0287c8.jpe fe778e2c-5808-4f9d-87c8-061c50dba830.jpe 4c0f1823-6888-4aae-9026-dadde74f15a5.jpe 03324c3f-5218-44a8-a461-0ea66138fa67.jpe 6ac07b86-896f-4fc6-bb22-580ddb15ecd2.jpe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this