Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaadiidkii ugu badnaa oo laga gubay Al-Shabaab + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
481080709_1142651761234762_5684064304870

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya hasaaraha kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan aagga deegaanka Ceel Cali Axmed oo uu maalin kahor ka dhacay weerar ay isku dayeen inay ku qabsadaan deegaankaasi, waxaase ka hortegay ciidamada Macawiisleyda.

Weerarka oo uu xigay dagaal foolka fool ah ayaa lagu jabiyay maleeshiyaadka argagixisada, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed kasoo saartay dagaalkaasi.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale soo bandhigtay gaadiid dagaal oo ay wateen xubnaha weerarka soo qaaday kuwaas oo laga gubay, kadibna ay ka carareen, sida ay muujinayaan sawirro ay baahiyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gaadiidka la gubay ayaa isugu jiro Cabdi-bileyaal iyo kuwa gaashaaman ee dagaalka oo la sheegay inay wateen xubnaha soo qaaday duulaanka laga hortegay.

“Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa ku guuleystay inay gubaan, qaarna soo furtaan dhamaan gaadiidkii dagaalka ee ay wateen Khawaarijtii soo weerartay deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Marka laga tego gaadiidkan, waxaa sidoo kale jiro maydad badan oo ay ka carareen Al-Shabaabkii soo weeraray Ceel Cali Axmed, waxaana ku jiray horjoogayaal ay kamid ahaayeen:-

  1. Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisow (Xasan Gurey) oo sidoo kale magaciisa afgarashada uu ahaa (Bagaax), kaas oo Khawaarijta u qaabilsanaa jabhadda gurmadka dhexe iyo Jaysh Aqsaa, kuwaas oo ka howlgala gobollada Galgaduud, Mudug, iyo Shabeellaha Dhexe. Wuxuu ku dhintay dagaalkii ka dhacay Ceel Cali Axmed.
  2. Horjooge Daahir Buuxsade ayaa isna la dilay. Wuxuu ahaa Amiir Katiibo ama taliye urur, wuxuuna ku baxay gacanta Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.
  3. Horjooge Anas ayaa sidoo kale la khaariyay, wuxuuna ahaa madaxii gaadiidka guud ee Al-Shabaab.
  4. Khaalid Jiis ayaa isna lagu dilay dagaalladii ka dhacay Shabeellaha Dhexe, wuxuuna Shabaab u qaabilsanaa Amiir Katiibo ama waxa ay kooxda ugu yeerto taliye urur.
  5. Horjooge Casaam, oo ahaa Amiir Sariiyo ama taliye horin, iyo horjoogayaal kale ayaa lagu laayay dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba, Dhammaan deegaannadii lagu dagaalamay, oo ay ugu dambeysay Biyo-Cadde, ayaa haatan dib ula wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

480588426_1142653864567885_6458152037438 480845914_1142653621234576_5753448774891 480919899_1142651691234769_5202364077391 481080709_1142651761234762_5684064304870 481101043_1142651704568101_2789883623134

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this