Deeq A. Posted February 22 Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya hasaaraha kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan aagga deegaanka Ceel Cali Axmed oo uu maalin kahor ka dhacay weerar ay isku dayeen inay ku qabsadaan deegaankaasi, waxaase ka hortegay ciidamada Macawiisleyda. Weerarka oo uu xigay dagaal foolka fool ah ayaa lagu jabiyay maleeshiyaadka argagixisada, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed kasoo saartay dagaalkaasi. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale soo bandhigtay gaadiid dagaal oo ay wateen xubnaha weerarka soo qaaday kuwaas oo laga gubay, kadibna ay ka carareen, sida ay muujinayaan sawirro ay baahiyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Gaadiidka la gubay ayaa isugu jiro Cabdi-bileyaal iyo kuwa gaashaaman ee dagaalka oo la sheegay inay wateen xubnaha soo qaaday duulaanka laga hortegay. “Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa ku guuleystay inay gubaan, qaarna soo furtaan dhamaan gaadiidkii dagaalka ee ay wateen Khawaarijtii soo weerartay deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Marka laga tego gaadiidkan, waxaa sidoo kale jiro maydad badan oo ay ka carareen Al-Shabaabkii soo weeraray Ceel Cali Axmed, waxaana ku jiray horjoogayaal ay kamid ahaayeen:- Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisow (Xasan Gurey) oo sidoo kale magaciisa afgarashada uu ahaa (Bagaax), kaas oo Khawaarijta u qaabilsanaa jabhadda gurmadka dhexe iyo Jaysh Aqsaa, kuwaas oo ka howlgala gobollada Galgaduud, Mudug, iyo Shabeellaha Dhexe. Wuxuu ku dhintay dagaalkii ka dhacay Ceel Cali Axmed. Horjooge Daahir Buuxsade ayaa isna la dilay. Wuxuu ahaa Amiir Katiibo ama taliye urur, wuxuuna ku baxay gacanta Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka. Horjooge Anas ayaa sidoo kale la khaariyay, wuxuuna ahaa madaxii gaadiidka guud ee Al-Shabaab. Khaalid Jiis ayaa isna lagu dilay dagaalladii ka dhacay Shabeellaha Dhexe, wuxuuna Shabaab u qaabilsanaa Amiir Katiibo ama waxa ay kooxda ugu yeerto taliye urur. Horjooge Casaam, oo ahaa Amiir Sariiyo ama taliye horin, iyo horjoogayaal kale ayaa lagu laayay dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe. Si kastaba, Dhammaan deegaannadii lagu dagaalamay, oo ay ugu dambeysay Biyo-Cadde, ayaa haatan dib ula wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda. Share this post Link to post Share on other sites