Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaalka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan-sheekh.jpg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay xarunta baarlamaanka ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay dagaalka ka socda gobolka Bari ee ay Puntland ku qaaday kooxda Daacish.

Xasan Sheekh ayaa garab istaag buuxa u muujiyay ciidamada Puntland, wuxuuna shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ku taageereyso halganka ay ku jiraan.

Madaxweynaha ayaa ciidamada iyo shacabka Puntland ku boggaadiyay dagaalka ay ku qaadeen Daacish, si ay isaga xoreeyaan Khawaarijta ku sugan dhulka buuraleyda ah.

“Waxaan garab taaganahay ciidamada iyo shacabka Puntland oo u istaagay inay iska xoreeyaan Khawaarijta Daacish, waana dagaal xaq ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale wuxuu faray xukuumadda Soomaaliya in ay dhisto guddi taakuleyn ah oo soo qiimeeya nooca taageero ee ay u baahan yihiin ciidanka Puntland, kadibna ku dhaqaaqa fulinta taageeradaas iyo garab istaagga ay u baahan yihiin walaalaha reer Puntland.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay howlgallada kale ee xoreynta ee ka socda gobollada dalka, isaga oo soo hadal qaaday dagaalladii ugu dambeeyay ee ay Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaannadii laga xoreeyay ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Xasan Sheekh ayaa sheegay in isku daygii Al-Shabaab ee ahaa inay dib u qabsadaan deegaannadaasi aanu suuragelin, ayna ka hortageen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka, wuxuuna ku boggaadiyay sida geesinimada leh ee ay ku jabiyeen cadowga.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah argagixisada, kaas oo ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this