Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka SWEDEN oo shalay dood ka yeeshay AQOONSIGA Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Markus Wiechel, oo ka tirsan Mudaneyaasha baarlamaanka Sweden, una ololeeya aqoonsiga Somaliland, ayaa codsi ku saabsan aqoonsiga Somaliland dhamaadkii sannadkii hore u gudbiyey baarlamaanka dalkiisa, taasoo jimcihii shalay lagaga hadlay baarlamaanka hortiisa, iyada oo su’aalo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland la weydiiyey Wasiirka Arrimaah Dibedda ee Sweden. Markus Wiechel, waxa u sheegay in ay Somaliland xaq u leedahay in ay hesho aqoonsi caalami ah, dawladda Sweden waa inay ku dhiirato in ay Aqoonsato Somaliland. “Somaliland waxay xaq u leedahay aqoonsi caalami ah—waa dal madax-bannaan oo leh dimuqraadiyad, xasillooni, iyo xulafo lagu kalsoonaan karo. Aqoonsigeedu waa mid sharci ah, una dan ah reer Galbeedka!” Xildhibaankan waxa uu intaas raaciyey “Somaliland waa dal madax-bannaan oo muddo dheer ka jirtay dimuqraadiyad iyo xasillooni. Aqoonsigeedu waa mid xaq ah oo mudan in la taageero!. Qadiyadda Somaliland waa mid caddaalad ah—sharci ahaan iyo taariikh ahaanba, xaq ayey u leedahay aqoonsi rasmi ah!. Reer Galbeedku waa inay garowsadaan in Somaliland tahay xulafo la isku halleyn karo, oo mudan in si buuxda loo aqoonsado!” — Markus Wiechel, Riksdag, Sweden. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden, Maria Malmer Stenergard, oo ka hadashay soo jeedinta Xildhibaankan, waxay sheegtay in Sweden ay muddo dheer taageero siisay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada horumarinta nabadda, dimuqraadiyadda, iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxay xustay in Sweden ay si gaar ah u taageertay doorashooyinka Somaliland, taasoo muujinaysa muhiimadda ay siinayaan nidaamka dimuqraadiga ah ee ka hanaqaaday Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this