Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay magacyada horjoogayaasha Al-Shabaab looga laayay SH/DHEXE

Recommended Posts

Deeq A.   
faahfaahin-ciidamada-xoogga-dalk.jpg?fit

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa lagu faahfaahiyay dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu soo bandhigay khasaaraha gaaray maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliska ayaa shaaciyay liiska iyo magacyada horjoogayaal sare oo kooxda looga dilay dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ilaa 5 horjooge oo muhiim u ahaa kooxda ayaa lagu dilay howlgalladan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka oo lagu soo bandhigay magacyadooda iyo xilalkooda.

Horjoogayaasha la dilay waxaa kamid ah:

  1. Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisow (Xasan Gurey) oo sidoo kale magaciisa afgarashada uu ahaa (Bagaax), kaas oo Khawaarijta u qaabilsanaa jabhadda gurmadka dhexe iyo Jaysh Aqsaa, kuwaas oo ka howlgala gobollada Galgaduud, Mudug, iyo Shabeellaha Dhexe. Wuxuu ku dhintay dagaalkii ka dhacay Ceel Cali Axmed.
  2. Horjooge Daahir Buuxsade ayaa isna la dilay. Wuxuu ahaa Amiir Katiibo ama taliye urur, wuxuuna ku baxay gacanta Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.
  3. Horjooge Anas ayaa sidoo kale la khaariyay, wuxuuna ahaa madaxii gaadiidka guud ee Al-Shabaab.
  4. Khaalid Jiis ayaa isna lagu dilay dagaalladii ka dhacay Shabeellaha Dhexe, wuxuuna Shabaab u qaabilsanaa Amiir Katiibo ama waxa ay kooxda ugu yeerto taliye urur.
  5. Horjooge Casaam, oo ahaa Amiir Sariiyo ama taliye horin, iyo horjoogayaal kale ayaa lagu laayay dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan deegaannadii lagu dagaalamay, oo ay ugu dambeysay Biyo-Cadde, ayaa haatan dib ula wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

480561323_1098054175453946_2218535996754

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this