Sign in to follow this  
Deeq A.

XASAN SHEEKH oo go’aan culus oo la xiriira doorashada u gudbiyay baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-5-scaled.jpg?fit=2560%2C195

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta furay kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka, ayaa mar kale ka hadlay qorshaha dowladdiisa ee doorashada qof iyo codka ah, taas oo weli dood ka taagan tahay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in 56 sano kadib ay doonayaan in dadka Soomaaliyeed si xor ah oo cadaalad ah u dhiibtaan codadkooda, soona doortaan hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Baarlamaanka la wadaagay go’aan culus oo la xiriira doorashada, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay malaayiin dollar kusoo iibisay qalabka loogu talagalay qabashada doorashada qof iyo codka, dadaalkana ay sii wadi doonaan.

“Waxaan rabaa in BFS aan u sheego in dowladdu diyaarisay dhaqaale iyo qalabkii lagu hirgelin lahaa doorashada, waxaana diyaar u nahay inaan wixii cawinaad ah waydiisano caalamka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay walaaca laga muujinayo doorashooyinkan, wuxuuna tilmaamay in ay mas’uul ka yihiin ayna dalka gelin doonin halis, isaga oo dalbaday in lagu kalsoonaado dowladdiisa iyo dadka ka shaqeynaya arrimaha doorashooyinka dalka.

“Ma jirto sabab aan dalka khatar u gelino. Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed isku kalsoonaadaan, kuna sii kalsoonaadaan dadka ka shaqeynaya doorashada. Berri haddii nala dooran waayo, inaan iska baxno oo aan guryageenna ku laabano dhib naguma hayso, laakiin ma jirto sabab aan halis u galino dalka,” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta dastuurka, wuxuuna Baarlamaanka ugu baaqay in kalfadhigan ay dhammeystiraan cutubyada haray ee horyaalla Baarlamaanka.

“Kalfadhigan, haddii Alle yiraahdo, waxaa laga sugayaa Baarlamaanka inuu qaado tallaabo kale oo la xiriirta dhammeystirka dastuurka dalka,” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay doorashooyinka dalka, oo ay weli isku hayaan Villa Soomaaliya, qaar kamid ah maamul-goboleedyada dalka, iyo xubnaha mucaaradka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this