Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Rooble oo shaacisay cidda ka dambeysay warqadii habraac ee loo diiday + Video

Recommended Posts

Deeq A.   
Rooble.jpeg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay dhacdadii qabsatay xilli ay u safrayeen dalka Koonfur Afrika, kadib markii loo diiday baasaboorka diblomaasiga ah si ay ugu dalbadaan visaha dalkaasi.

Xildhibaan Cabdullaahi Carab, oo kamid ah saaxiibada Ra’iisul Wasaare Rooble, kuna wehlinayay safarkan, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka SMS wuxuu uga hadlay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna xaqiijiyay inay jirto in warqaddii loo diiday Rooble.

Carab ayaa shaaca ka qaaday in warqaddaas ay hakad gelisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kadibna Ra’iisul Wasaaruhu uu ku safray dhalashadii uu ka haystay Sweden.

“Warqad ayuu codsaday Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble, isaga iyo rag kale oo aan aniga kamid ahay, waxaana kusoo soconay Koonfur Afrika. Sida aad la socoto, marka uu qofka baasaboorka diblomaasiga ah rabo visaha dal shisheeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa qorta warqad, waxaana loo diraa safaaradda Soomaaliya ee Kenya, kadibna iyadaa warqad kale kusii lifaaqda, sidaas ayaana lagu helaa visaha,” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu raaciyay: “Marka ay tegtay warqadda safaaradda Soomaaliya ee Kenya, dib ayaa loogu soo celiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kadibna howshii waa dhaqaaqi waysay. Xiriiro badan oo lala sameeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda waa suuroobi waysay, sidaas ayuu Ra’iisul Wasaaruhu go’aan isaga qaatay. Dhalasho labaad oo uu Sweden ka haystay ayuu haystay, maadaama ballan jiratay, isaga ayuuna kusoo safray.”

Sidoo kale, wuxuu falkan si toos ah ugu eedeeyay madaxda dowladda dhexe iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isaga oo beeniyay warka kasoo yeeray Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo VOA-da u sheegay in Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble aan loo diidin baasaboorka.

“Tuhumada waa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo madaxda sare ee dowladda uun baa warqaddaas in la hakiyo ku heshiiyay, sida muuqato,” ayuu kusii daray.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn ka hadlay ujeedka safarka ay ku tageen Koonfur Afrika, wuxuuna tilmaamay in casuumaad ay ka heleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

“Johannesburg ayaan booqasho ku nimid shalay sababta aan u nimid waxa ay ahayd sidaad la socoto, 2022-kii doorashadii dhacday bilihii ka horeeyay dalka wuxuu galay khal-khal xoog badan. Ilaahay mahaddiisii, sababta Ra’iisul Wasaarihii hore darteed ayuu waddanka ku badbaaday maalmahaas. Wixii ka dambeeyay, jaaliyadda Koonfur Afrika ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxay lahaayeen, ‘Mar na soo booqo,’ sidaas ayuuna ku tegay,” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Xildhibaan Cabdullaahi Carab.

Hoos ka daawo wareysiga:-

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this