Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada mucaaradka iyo muxaafidka oo ay ka tafatay – Maxay dhacay maanta?

Recommended Posts

Deeq A.   
BF.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada mucaaradka iyo kuwa muxaafidka ah ayaa maanta isku dhacay, iyaga oo ku dhowaaday inay is gacan qaadaan, xilli ay wariyeyaasha kula hadlayeen bannaanka hore ee xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Buuq iyo sawaxan ayaa goobta hareeyay kadib hadal ka soo yeeray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan xubnaha mucaaradka, kana mid ah xisbiga Sheekh Shariif.

Jeesow oo meesha ka hadlay ayaa ku dhowaaqay in kala bar dalka ay qabsadeen Al-Shabaab, kadib dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka. Arrintaasi waxay dhalisay buuq, iyada oo ay ka hor yimaadeen xildhibaannada muxaafidka.

“Dalkii daraad kala bar oo bar ay Shabaab ayaa soo qabsadeen, sidaad arkeyseen, meelaha qaarna illaa iyo hadda way joogaan,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Intaas kadib waxaa hadalka ka daba qaatay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Bashiir Goobe, oo beeniyay hadalka Jeesow, wuxuuna tilmaamay inuu niyad-jebinayo ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira argagixisada.

“Wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed ayaa dhimanayo oo dhiiggooda uu socdaa, inuu marka xildhibaanka saaxiibkey ah uu yiraahdo dalkiibaa Shabaab haystaa laga akhrisan maayo, mana laga yeelaayo,” ayuu yiri Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada.

Sidoo kale, waxaa isna hadlay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Xildhibaan Maxamuud Jeego, oo si adag ugu jawaabay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

“Dalkan wuxuu ku jiraa dagaal, Shabaab maalin kasta ayuu meel weeraraa, waana laga hortegaa, mana jiro dhul Shabaab uu haysto ama haysan karo,” ayuu yiri Wasiir Jeego.

Arrintan ayaa billow u ah dagaal siyaasadeed oo la filayo inuu ka dhex qarxo xubnaha mucaaradka iyo muxaafidka, oo si weyn isugu hayo arrinta doorashada. Waxaa hadda bannaanka yaalla diidmada siyaasiyiinta mucaaradka ee qorshaha Villa Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this