Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ingiriiska oo ku biirtay Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ISIS ee ka socda buuraha Golis ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1740220672969.jpg?resize=720%2C72

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah Xafiiskiisa magaalada Boosaaso ku qaabiley Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambassador Michael Nithavrianakis.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siciid Deni uu maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya Ambassador Michael Nithavrianakis “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambassador Michael Nithavrianakis.”

Madaxweyne Siciid Deni, oo ay weheliyaan xubno iyo mas’uuliyiinta Xukuumadda Puntland ayaa intaasi kaddib Shir la yeeshay safiirka dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya Ambassador Michael Nithavrianakis, oo ay weheliyeen saraakiil kamid ah Safaaradda, waxaana Shirka labada dhinac looga wada-hadlay dagaalka Argagixisada ISIS ee ka socda buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in dowladda Ingiriisku ay Puntland ku bogaadisay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish, taasi oo ka dhigan in UK ku soo biirtay Hawlgalka oo ay horay qeyb uga ahaayeen Mareykanka iyo Imaaraatiga Carbeed kuwaasi oo duqeymaha Cirka ka caawinaya Ciidamada difaaca Puntland ee dhulka kala dagaallamaya ISIS.

“Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah golaha xukuumada, waxaa looga hadlay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo UK ay ku boggaadisay Dowladda Puntland, xoojinta Iskaashiga UK iyo Puntland, Mashaariicda horumarin Uk ka fuliso Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Hoos ka eeg Sawirada Kulanka

FB_IMG_1740220677005.jpg?resize=720%2C51 FB_IMG_1740220685473.jpg?resize=720%2C72 FB_IMG_1740220689475.jpg?resize=720%2C73 FB_IMG_1740220680680.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1740220741874.jpg?resize=720%2C72 FB_IMG_1740220736806.jpg?resize=720%2C72 FB_IMG_1740220729779.jpg?resize=720%2C68 FB_IMG_1740220695811.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1740220717167.jpg?resize=720%2C72 FB_IMG_1740220699361.jpg?resize=720%2C60 FB_IMG_1740220721385.jpg?resize=720%2C72

PUNTLAND POST

The post Dowladda Ingiriiska oo ku biirtay Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ISIS ee ka socda buuraha Golis ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this