Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Khudbad Ka Jeedinaya Furitaanka Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta la filayaa inuu khudbad ka jeedin doono furitaanka kalfadhiga 6-aad ee kulanka wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanada iyo senatarrada Labada Aqal kala hadli doona xaaladda dalka, dagaalka lagula jiro kooxaha Alshabaab iyo Daacish, iyo howlaha muhiimka ah ee dowladdu ay gacanta ku hayso.


Khudbadda Madaxweynaha ayaa la filayaa in sidoo kale uu diiradda ku  saari doono arrimaha amniga, xasilloonida dalka, arrimaha siyaasadda , iyo dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this