Deeq A. Posted 18 hours ago New York (Caasimada Online) – Maxkamad Maraykan ah ayaa Jimcihii dembi ku heshay nin Maraykan-Lubnaani ah oo isku dayay inuu dilo qoraaga caanka ah Salman Rushdie, kadib markii uu weeraray masraxa munaasabad suugaaneed oo uu dhowr jeer mindi la dhacay qoraaga buugga “The Satanic Verses.” Hadi Matar, oo lagu helay dembiyo la xiriira isku day dil iyo weerar, waxa uu wajahayaa xukun gaaraya ilaa 25 sano oo xarig ah, waxaana lagu xukumi doonaa bisha April. Qareennada Matar ayaa isku dayay in ay maxkamadda ka hor istaagaan markhaatiyaasha in ay Rushdie ku sifeeyaan dhibbane la silciyay, iyagoo tixraacaya fatwadii Iran ee 1989-kii, taasoo ku baaqaysay in la dilo, sababo la xiriira eedeymo ku saabsan gaf diimeed oo ku jiray buuggiisa “The Satanic Verses.” Rushdie waxa uu maxkamadda uga warramay sidii uu Matar ugu weeraray “mindi, oo uu ku jeex-jeexay” intii uu ku sugnaa munaasabad ka dhacday xarun dhaqameed oo ku taalla miyiga gobolka New York. “Wuxuu ahaa weerar mindi oo isha la iga dhuftay, xanuun daran ayaan dareemay, kadibna waxaan qayliyay xanuunka darteed,” ayuu yiri Rushdie, isagoo xusay in uu ku dhex jiifay “dhiig” Wuxuu intaas ku daray in uu dareemay “inuu dhimanayo,” kahor inta aan helikobtar loola cararin isbitaal lagu dabiibay dhaawacyadiisa halista ah. Garsooreyaasha ayaa dhegaystay doodaha xeer-ilaalinta iyo qareennada difaaca kahor inta aysan gaarin go’aankooda Jimcihii, iyagoo xukunka gaaray wax ka yar laba saacadood gudaheed. Maxkamaddu waxay Matar ku heshay dembi ah in uu mindi lix inch ah ku dhuftay Rushdie ilaa toban jeer, taasoo markhaatiyaasha iyo maxkamadda la tusay. Intii ay dacwadu socotay, Matar waxa uu dhowr jeer ku dhawaaqay hadallo taageero u ah Falastiiniyiinta. – Xorriyadda xadalka vs. gaf diimeed – Matar, oo ka soo jeeda gobolka New Jersey, ayaa horey u sheegay in uu kaliya akhriyey laba bog oo ka mid ah “The Satanic Verses,” balse uu aaminsanaa in qoraagu “weeraray Islaamka.” Buugga Rushdie oo la daabacay 1988-kii waxa uu noqday xuddunta dood adag oo u dhaxeysay kuwa taageersan xorriyadda hadalka iyo kuwa aaminsan in wax xad-gudub ku ah diinta, gaar ahaan Islaamka, aan la oggolaan karin. Buugga dartiis, dukaamada buugaagta iyo buugaag badan ayaa la gubay, tarjumaankiisii Japan waa la dilay, halka daabacihii Norway la toogtay dhowr jeer. Rushdie waxa uu muddo 10 sano ah ku noolaa nolol qarsoodi ah London kaddib fatwadii 1989-kii, balse 20-kii sano ee u dambeeyay – ilaa weerarka – wuxuu si caadi ah ugu noolaa New York. Sannadkii hore, waxa uu daabacay buug xusuus-qor ah oo la yiraahdo “Knife,” kaas oo uu ku faahfaahiyay weerarkii lagu qaaday iyo waaya-aragnimadiisii dhimashada u dhowaa. Rushdie waxa uu maxkamadda uga warramay in dareemaha ishiisa midig ay go’een, taasoo keentay in dhakhaatiirtu “go’aansadaan in isha la xiro si ay qoyaan. Waa qalliin xanuun badan – mana kula talinayo qofna.” Markii la weydiiyay heerka xanuunka uu dareemay xilliga weerarka, wuxuu ku jawaabay: “10 ka mid ah 10.” Dhuuntiisa waa la jeexay, beerkiisa iyo xiidmaha yaryarna waa la dhaawacay, halka dareemayaashiisa gacanta ay dhaawac daran gaareen taasoo sababtay in mid ka mid ah gacmihiisa ay naafowdo. “Erayadii ugu horreeyay ee aan iri markii aan hadli karay waxay ahaayeen: ‘Waan hadli karaa,’” ayuu yiri, iyadoo garsooreyaasha qaar ay si hoose u qosleen. Rushdie, oo 77 jir ah, oo haysta dhalashada Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaa badbaadiyay dad goobta joogay. Shaqaale ka tirsan xarunta lagu qabtay xafladda, Jordan Steves, ayaa maxkamadda ka sheegay in uu isagu “garabkiisa midig la helay xooggiisa oo dhan,” si uu uga caawiyo kuwa kale qabashada eedeysanaha. Markii la weydiiyay inuu tilmaamo qofkii weerarka geystay, wuxuu farta ku fiiqay Matar, oo fadhiyay maxkamadda dhexdeeda. Ururka Xizbullah ee Lubnaan, oo ay taageerto Iran, ayaa taageeray fatwada lagu dilayo Rushdie, sida ay sheegtay FBI-da Maraykanka. Matar waxa uu wajahaya dacwad kale oo la xiriirta dembiyo argagixiso, taasoo laga furay maxkamad federaal ah oo Maraykanka ah. Dowladda Iran waxay beenisay in ay xiriir la leedahay weerarka, iyadoo sheegtay in Rushdie uu isagu mas’uul ka ahaa wixii dhacay. Share this post Link to post Share on other sites