Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo saaka jiho horleh ka bilaabay hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1740198950021.jpg?resize=720%2C54

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa saaka aroornimadii hore ee saaka hawlgal amni oo lagu baadi-goobayo firxadka mileeshiyaadka ISIS waxay ka bilaabeen buuraha Xabley oo hoostaga degmada Ufayn ee gobolka Bari.

Hawlgalkani Ciidan ayaa bilowday kaddib markii buuraha degaanka Xabley laga soo sheegay habqankii dagaallamayaasha ISIS ee ka soo firxaday dagaalladii u danbeeyay ee ka dhacay togga Jeceel kuwaasi oo ciidamada difaaca Puntland ku kala daadiyeen awooddii kooxdaasi Argagixisada ah.

Wararka ayaa sheegaya in dhawaanahan buuraha degaanka Xabley lagu arkay dagaallamayaal ka tirsan Argagixisada oo habqan ah kuwaasi oo naftooda kala soo baxsaday Hawlgalka togga Jeceel ka socda kaddib markii mileeshiyaadkoodu ku jabeen dagaalka lagana soo saaray inta badan godadkii ay kaga jireen toggaasi.

Kala cararka iyo firxadka Argagixisada ISIS oo u badan ajaanib ayaa bilowday kaddib guluf qaatay in ku dhaw laba bilood oo ciidamada difaaca Puntland ku wiiqeen awooddii kooxda oo tiradooda lagu qiyaasay 1,800 oo dagaallame hawlgalka ka hor.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo saaka jiho horleh ka bilaabay hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this