Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ururka NSUM,ama Guutada Cas(Baregatto Rosso),ama SSCA,ama SOUDA oo noqday Argagixiso

Recommended Posts

Ururka NSUM,ama Guutada Cas(Baregatto Rosso),ama SSCA,ama SOUDA oo noqday urur argagixiso

 

 

Uruka NSUM oo ay sameeyeen qurbo joog qurbaha ku raagey oo badankoodu aan wadankii cag dhigin sanado 40 sanadood ka badan,isla markaana caruurtooda iyo kuwa ay caruurtoodu dhaleenba qurbaha ku nool yihiin,ayna yar tahay rajada ay ka leeyihiin inay dib ugu laabtaan caro Daraawiisheed ayaa dad badan oo anigu aan ka mid ahay waxaan ka qabnay inay keeni doonaan rajo ay ku badbaadiyaan dadkooda,isla markaana ay wax la qaybsadaan qa'baa'ilada kale ee Soomaaliyeed ee deriska la ah.

 

Waxaa dadka SSC ka filayeen ururka NSUM inuu furo wado ka duwan kuwii hore,oo uu ka shaqeeyo isu keenka tolka kala qaybsamay ee Hargeysa iyo Garoowe la kala safan,wuxuuse noqday urur ku milmay dhinac ka mid ah dhinacyadii dhibaatada dhulkaas haysta qaybta weyn ku leh,maamulkaas oo ah maamulka Puntland.

 

Ururkaas akhristoow dhamaan raga madaxda ka ahi waa taageerayaasha maamulka Puntland,hadaad weydiiso raga madaxda ka ah ururkaas hadafka ururkoodana waxay si aan gabad lahayn kuugu sheegayaan inay tageersan yihiin Puntland,Somaliland-na ay cadowgeeda tahay,iyagoo soo kala dhoweysanaya labada maamul.

 

Akhristoow waxaa ururkaasi wejigiisii runta ahaa soo bandhigay markii uu la badaxay Guutada Cas oo ah uurkii ka jiri jirey wadanka talyaaniga oo luuqada talyaaniga ku ah BAREGGATO ROSSO,luuqada English-ka ku noqonaya Red Army,ururkaasoo ka jiri jirey gobolka Sicicili ee wadanka talyaaniga.Ururka Bareggato Rosso ayaa wuxuu ahaa urur argagixiso oo layn jirey dadka ganacstada ah,madaxda,iyaga oo lacago baad ah ka qadan jirey dadka,isla markaana dhalinyaro intay hubeeyaan oo xoogay lacag ah siiyaan u diri jirey hadba qofka ay u arkaan inuu dantooda ka soo horjeedo si ay u khaarajiyaan,arintaas oo la mid ah mida uu ururka NSUM ka wado magaalada Laascaanood.

 

Reer bariga ayaa waxay ku maahmaahaan "ADOO NABAD LA BALA WAADHA,BELOOY KAALAY LAMA YIRAAHDO,HADAY BILO TIMAADANA LAMA BOOYO BOOWOOW",waxaan taa uga jeedaa Laascaanood oo 18-kii sano ee burburku soomaaliya ka jirey aan weligeed helin nabada ay sanadkaas heshay,in rag qurbo joog ah oo casiir ku cabaya qurbaha,caruurtoodiina dhul nabad ah ku haysta,inay dagaal geliyaan wiilal yar yar oo ay ku adag tahay inay helaan quutul daruurigii maalintaas,islamarkaana bam gacmeed u dhiibaan,oo ay ku amraan inay bam ku tuuraan Hotel Xamdi,suuqa hiliblaha iyo xarumaha maamulka dadka loogu adeego,waxay ku tusaysaa inaanay ahayn urur khayr soo wada,balse uu noqonayo urur argagixiso.

 

Dadka SSC waxay u bukaan urur isu keena,uma baahna urur sii kala qaybiya,waxay u baahan yihiin urur nabdeed uma baahna urur dagaal,ma qaadi karaan colaad cusub oo laga soo abaabulo qurbaha,waxay u baahan yihiin aqoonyahamiin dhulkii la jooga oo ka warhaya xaaladooda,isla markaana aan dano siyaasadeed oo gaar ah lahayn.

 

Ururka NSUM,ama Guutada Cas(Baregatto Rosso),ama SSCA,ama SOUDA,oo marba magac cusub oo kii hore ka sii daran la baxaya,ma aha urur ku yimid talada ***********,balse waa urur ay dhisteen taageerayaashii Puntland oo shaadh kale soo gashaday,taasna cidina kama qarsoona.

 

Waxa is weydiin leh meesha ay ku maqnaayeen ragani intaan lala kala wareegin awooda gobolkaas,taasina waxay ku tusaysaa inuu ururkaasi ku abuurmay is bedelka siyaasadeed ee ka dhacay gobolka.

 

Akhristoow waxaa urukaasi si cad u qirtay inuu ka danbeeyo qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Laascaanood,ee dhimashada iyo dhaawaca keenay,markaa ururkaas ayaa lagala xisaabtamayaa dhamaan wixii halkaas ka dhaca ee nabad gelyo xumo,dil iyo dhaawacba ah,maadaama iyagu qirteen inay abuureen Guutada Cas(Baregatto Rosso),ama SSCA,ama SOUDA,ama waxaad doontid ugu yeedhe nabadgelyo xumada laga abuurayo Laascaanood.

 

Waxaa is weydiin leh in uu jiro urur ay beeshu ka tashatay oo u metela arimaha siyaasada?ma jirtaa jabhad ku timid talada beesha oo lagu wada midaysan yahay,oo laga iclaamiyey shir dhamaan beeshu isugu timid?jawaabta waxaan u daayey akhristayaasha.

 

Waxaa nasiib daro ah in shirarka ay qabanayaan argagixisadu ay goob joog ka noqdaan rag karaamo iyo sharaf ku leh bulshada dhexdeeda,sida odayao dhaqameedyada,iyo rag kale oo loo hanweynaa oo aan horey ugu milmin colaada laga dhex abuurayo dadka walaalaha ah.

 

Akhristoow maaha xal in dad u kala qaybsan labada dhinac ee maamulada dhinacyada ka xiga deegaankaas,in iyadoon la isu keenin,isla markaana aan la iclaamin shir ka madax banaan maamuladaas,lana lafa gurin khilaafka beesha,la abaabulo malayshiyooyin dhinac ah,oo Garoowe laga fangareeyo,isla markaana abuura colaad sokeeye.

 

Waxaa la hayaa liiska raga madaxda ka ah,xubnaha ururkaas,meesha ay degen yihiin,waxaana loo gudbiyey dacwadooda ururada caalamiga ah ee daba gala argagixisada,mar ay noqotana waa laga goyn danbiyad ay galeen,markaas dadka xalaasha ah ee SSC,waa inay iska fogeeyaan taageerada ururkaas faraha dhiiga ku leh.

 

Waxaan uga digayaa dadka SSC inay taageeraan ururkaas argagixiso,waxaana waajib ku ah inay meel walba oo ay joogaan ay ka hortagaan dadka siyaasada gaarka ah leh,ee abuuraya colaad beesha dhexdeeda ah.

 

 

Cabifataax Axmed Maxamuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ MJXSG iyo ONLF ayaa dagaal is darey xalay iyo maanta, maxaad kala socotaa, khasaara badana dhaliyey la isku baaba'ay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

ONLF ayaa gar daran, and they are useless. In an attempt to please the Americans, they want to eradicate the MJXSG from the region, whom they accuse of kidnapping aid workers. Wadaadaduna, dee dadkan ay qafaalayaan meesha haka daayaan.

 

I am speaking from the past experience. Arintan aad sheegayso lama socdo, xaggey ka dhacday?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Deegaanka Gabagabo ee ka tirsan gobolka Qorraxey ayuu dagaalku ka dhacey.

 

Wuu is taagey baa la yiri dagaalka saan maqley, balse khasaara ba'an soo kala gaareen labadaasi jabhadood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Hadaan eegay Xaajo.com oo uu leeyahay nin ay walaalo yihiin Sheekha xukuma MJXSG. Waxay u muuqata in dagaal ba'ani uuna dhicin, waxayna leeyihiin wuxuu u dhaxeya laba garab oo ONLF ah.

 

Waa arin koley aan filayo in is afgaran waa ay ku timid, hase ahaate, hadii Maxamed Siraad Dolaal ciidan uu wato uu dhulkii la tagay waxa uu horseedayaa burbur iyo kala daadasho, maadaama khilaafka siyaasiga ah in loo dhaadhiciyo miilatariga ayna habooneyn.

 

Ninkaas waxaa lagu kari la'yahay adeerow halganka "nasasho ku caawi", oo bal yarahe daa dad kale ha wadeene.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

JB, Mujaahidiinta Xisbiga Jabhada Soomaali Galbeed :D , they mainly contain wadaado timaha wada xiirtey, AT&T ii sharrax dheh smile.gif

 

 

AT&T, :D lol@farsameeyey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this