Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xasan oo beel beel u casuumay xildhibaanada BF kalana hadlay qodobo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku jira kulamo is dabajoog ah oo xildhibaanada labada Aqal ee BFS uu la yeelanayo, isagoo xalay, maanta ilaa caawa beel beel u qaabilaya xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa berri furaya oo khudbad dastuuri ah ka jeedi doona furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna kulanka berri ka hor qeyb qeyb ula dardaarmay Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa saddex qodob kala hadlay xildhibaanada kadib markii uu beel beel ula kulmay.

Xildhibaannada beesha uu isagu matalo ayuu xalay Madaxweynuhu kala hadlay dagaalka argagixisada in lagala shaqeeyo, sidoo kalena ay dajiyan buuqa Baarlamaanka ee salka ku haya mooshinka.

Xasan Sheekh ayaa xildhibaanada Mogadishu Clan ku yiri, “Baarlamaan aaddan adigu hormuud u aheyn ma kici karo ee kaalintiina qaata.”

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale xildhibaannada beeshiisa ka codsaday in xildhibaanada beelaha kale ee tabashada qaba xalkooda ay kala shaqeeyaan.

Xildhibaannada beellaha kale wuxuu madaxweynuhu kala hadlay kacsanaanta Baarlamaanka, sida ay muhiim u tahay xasiloonida Golaha iyo inuu albaabkiisu furanyahay.

Xildhibaanada uu qaabilay Xasan Sheekh ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha laga dheehan karay sida uu u qirsanyahay culeyska Baarlamaanka ee xilligaan oo mooshin adag uu miiska u saaran yahay.

Xildhibaannada kulamadaan tagay ayaa sheegay in madaxweynuhu ku celceliyay muhiimada ay leedahay inuu Baarlamaanku si degan ku furmo berri, kadib markii ay maalmahaan soo bateen wararka sheegaya in xildhibaannada qaar ay qorsheynayan buuq iyo fowdo ka abuuraan kulanka koowaad ee kalfadhigaan furmaya oo Xasan Sheekh uu khudbad ka jeedi doono.

Kulamada uu madaxweynuhu la qaatay xildhibaannada labada Aqal ayaa la aaminsanyahay inay keeni karto in Baarlamaanku berri si degan ku furmo, balse tilaabadan wax badan kama badali doonto mooshinka ka yaalla xukuumadda.

Mooshinkaas oo si weyn loo soo abaabulay todobaadyadii lasoo dhaafay intii uu xiraan kulanka Baarlamaanka ayaa la qorsheeyey in Baarlamaanka la geeyo Ramadaanka kadib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this