Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta qorshe xasaasi ah oo uu wado Hanti-dhowrka

Recommended Posts

Deeq A.   
Guutaale.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa wadda dhaqan-gelinta qorshaha guud ee baarista sanadlaha ah ee 2025, oo uu diyaariyay hanti-dhowrka guud ee qaranka.

Baarista ayaa la xiriira sannad maaliyadeedka dhammaaday ee 2024, kaas oo hagaya baarista la sameynayo sanadkan si loo hubiyo isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo hufnaanta hay’adaha dowladda, sida uu sheegay xafiiska.

Xafiiska Hanti-dhowrka waxa uu qorsheynayay inuu baaris hantidhowr ku sameeyo hay’adaha dowlada, safaaradaha JFS iyo mashaariicda, si loo xaqiijiyo in khayraadka dowladda loo isticmaalayay si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dhaqan galka ah.

Baaritaannada hanti-dhowr waxaa la fulinayaa, iyada oo la raacayo Sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee JFS (Sharci Lr. 14, 2023), iyo Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lr. 17, 2019).

Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka, iyo xalinta caqabadaha u hoggaansanaanta sharciga ee hay’adaha dowladda, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’adaha iyo dowlad wanaagga.

Soomaaliya marka la joogo musuq-maasuqa ayaa ah mid si weyn u curyaamiyay kor u kaca dakhliga dowladda, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya sheegto inay la dagaamaleyso, islamarkaana ay kal hore masuuliyiin dowladeed u maxkamadeysay kiisas musuq.

Hoos ka daalaco xogta dulmarka baarista hanti-dhowr ee la qorsheeyay in la sameeyo sanadkan 2025.

hanti1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

hanti2.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

hanti3.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

hanti-4.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

hanti5.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

hanti6.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this