Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ka hadashay safarka R/W Rooble xilli uu shalay ku dhoofay baasaboor dal kale

Recommended Posts

Deeq A.   
Rooble-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka sheegaya in Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble, loo diiday warqaddii habraaca baasaboorka diblomaasiga ee uu ugu safri lahaa dalka Koonfur Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo la hadlay VOA, ayaa beeniyay in wasaaradda ay wax is-hortaag ah ku samaysay dalabka Ra’iisul Wasaarihii hore ee habraaca baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya, si uu ugu safro dalka dibaddiisa, xilli uu shalay ku dhoofay baasaboorka dalka labaad ee dhalashada uu ka haysto ee Sweden.

Danjire Fiqi ayaa tilmaamay in Rooble uu yahay mas’uul ay ixtiraam weyn u hayaan, maadaama uu meel halis ah kasoo saaray dalka xilligii doorashadii 2022-kii ee dowladdii madaxweyne Farmaajo, sababna u ahaa doorashadii uu hoggaanka cusub ku yimid.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in warqaddii uu Rooble ku dalbanayay in la mariyo habraaca safarkiisa ay ka jawaabeen 1-dii bishaan Febraayo, isla markaana aysan jirin diidmo xaggooda ah oo Ra’iisul Wasaarihii hore ugu baxay baasaboor dal kale.

“Waxaan haynaa warqaddii aan u qornay isaga iyo wafdigiisa 1-dii bishaan Febraayo, mana ogin meel dalabkiisa lagu diiday, kaliya waxaan ka maqalnay iyadoo meelaha la wad-wado. Rooble xitaa meel uu ku yiri waxbaa la ii diiday ma jirto, markuu hadlo ayay dowladda si toos uga jawaabi doontaa,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Habraaca ay beenisay dowladda in loo diiday Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa qofka mas’uulka ah ee safraya siinaya xasaanad diblomaasiyadeed oo waddanka uu u socdo uu ku tegayo, iyadoo warbixintiisa lala wadaagayo safaaradda dalka uu u socdo iyo Soomaaliya, si loo soo dhaweeyo mas’uulka, safarkiisana ay uga warqabaan.

Si kastaba ha ahaatee, hadal-haynta in dowladda Soomaaliya ay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble, ka hor istaagtay habraaca baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya si uu ugu safro dalka dibaddiisa, gaar ahaan Koonfur Afrika, ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this