Sign in to follow this  
Deeq A.

Duullaan xooggan oo ku wajahan Ceelbaraf oo shalay la wareegtay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab.jpg?fit=2000%2C1250&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarisay ciidamo aad u badan si loo xoreeyo degmada Ceelbaraf, oo shalay la wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Dowladda ayaa ciidamadan geysay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo maalintii shalay ay ku dagaalameen ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab.

Ciidamadan, oo ka kala yimid deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe iyo degmooyinka Moqokori iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa iskugu jira kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab, kuwa Gorgor, iyo Ciidamada Ilaalada Qaranka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar ka mid ah ciidamada uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Ciidamada iskaashanaya ayaa jihooyin dhowr ah ka weerari doona degmada Ceelbaraf, oo haatan ay ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qorshaha duullaanka ayaa sidoo kale ah in ciidamada iskaashanaya ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay weli kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this