Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeel Ogaadeen: Xabsigii ay tacaddiyadii argagaxa lahaa ka dhaceen oo loo beddelayo…

Recommended Posts

Deeq A.   
93f86bb0-ef53-11ef-a319-fb4e7360c4ec.jpg

Jigjiga (Caasimada Online) – Waxaa socda qorshe Jeel Ogaadeen loogu beddelayo goob lagu xasuusto tacadiyadii iyo dhibaatooyinkii muddada dheer loogu gaysanayay bulshada, sida ay sheegtay dowlad deegaanka Soomaalida.

Qorshahan oo haatan waddo dowlad deegaanka Soomaalida ayaa Jeelkan oo ka dhaceen tacadiyo argagax lahaa ayaa waxaa loogu beddelaya “goob xasuus reeb”, taas oo soo jeedinteeda lahaayeen shacabka deegaanka oo qaarkood halkaasi loogu geystay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

“Jeel Ogaadeen waxaa la isku raacay in laga dhigo xusuus reeb (Memorial Centre) oo lagu xusuusto jeel aad u weynaa oo dad aad u tiro badan xuquul insaankooda lagu bahdilay, lagu rafaadiyay oo dad badan baa ku dhintay, caruur badan baa ku dhimatay,” ayey tiri Fowsiya Cabdikariin Cabdulqaadir oo ah guddoomiye ku-xigeenka baarista tacdiyada ka dhacay DDS, dib-u-heshiisinta iyo xaal-marinta dhibanayaasha.

Waxay intaas sii raacisay “Markaa waxaan rabnaa in dadkii ku dhintay lagu xusuusto oo loogu duceeyo, inta noolna ay ka helaan booga dhay oo loo qirto dhibkii ku dhacay.”

Fowsiya ayaa sheegtay in go’aankaas uu dowladda deegaanka ka yimid ka dib markii ay shacabka ka codsadeen, “Go’aanka dowladda deegaanka ayuu ka yimid shacabka ayaana codsaday waayo waa astaan aad dadka xanuun badan ugu leh.”

Isbeddelkii dowlad deegaanka ka dhacay 2018-kii oo banaanka usoo saaray tacaddiyadii ka dhici jiray Jeel Ogaadeen, ayaa noqday mid kamid ah xasuusaha argagax leh ee bulshada deegaanka ah la nooshahay.

Jeelkan ayaa wuxuu ku yaallaa magalada Jigjiga, wuxuuna ku fadhiyaa dhul weyn waxaana ku wareegsan darbi aad u dheer oo salig lagu wareejiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this