Sign in to follow this  
Deeq A.

Wareysi: Puntland oo si adag uga jawaabtay hadaladii Fiqi iyo Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5960.png?fit=660%2C371&ssl=1

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hadlay war dhowaan ka soo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegtay in Puntland ay diiday in ay dowladdu ka caawiso dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish ee ka dagaallameysa buuraha Gobolka Bari.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo shalay wareysi siiyay VOA, ayaa sheegay in Puntland aysan dowladda ka aqbalin caawinaadda dagaalka ay kula jirto Daacish.

“Ololaha hadda socdda ee ka dhanka ah Daacish dowladdu waxay dhahday Saciid Deni gacan aan kuu fidino, dhaawacyada aan soo qaadno oo saanadda aan ku siino, laakiin Siciid Deni wuu diidan yahay, dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay iney hesho meel ay kasoo gasho, xoog kuma soo gali kartee, waan aragna wasiiro ka tirsan maamulkaas oo markey meel yar qabsadaan dowldda ku eedeyo waxan meesha oolin, waxaan u baahanay in la helo rabitaanka maamulka halkaas ka jira” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Hadalkaas waxaa ka jawaabay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo isna la hadlay VOA, wuxuuna sheegay in dowladda federaalka ay ka aqbalayaan kaalmo walba oo dhab ka ah, balse hadda ay hayaan hadal kaliya.

“Soomaalidu waxay tiraahdaa meel hoo u baahan, hadal waxba kama taro, Puntland waxay isku dhigtay khatar caalami ah oo Geeska Afrika ku soo korortay, mana jirto wax kaalmo ah oo Dowladda Federaalka aan ka helnay,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiir Dirir ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay ku soo aruurtay hadal oo kaliya, “waxay mar kasta soo qoraan waa nala ogeysiiyey in Daacish la duqey doono,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wuxuu sheegay Mareykanka iyo Imaaraadka ay Puntland ay ka taageeraan howlgalkaan, kuwaas oo meelaha qaar duqeymo ka geysta, dhaawacyadana la fududeeya in caafimaad loo helo.

“Waxaan ka xunahay Madaxweyne Xasan Sheekh hal mar ayuu ka hadlay dagaalka Puntland ay kula jirto cadowgaan caalamiga ah, halkii marna wuxuu yiri ‘Buuraha la sheegsheego’ ma aheyn in sidaas uu dhaho waa tiiq tiiqsi warkiisu,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka u hadlay Puntland.

Waxaa la qeydiiyey in Puntland ay qaadaneyso hadii dowladda federaalka ay kaalmo siiso, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin in kaalmadaas ay qaataan, waxna ugu taraan dadka reer Puntland ee dagaalka kula jira Khawaarijta Daacish.

“Wasiirka waxaa laga rabay in uu soo bandhigo waxyaabaha dowladda federaalka ay siineyso Puntland, mashaariic ay naga xayireen ayaa fasax uga baahan hadii ay wax noo ogolyihiin, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlaya waan maqleynay, laakiin wax ay sheegeen in Puntland ay tarayaan ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Dirir.

Hoos ka dhageyso wareysiga

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2025/02/Sa.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this