Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war culus ka soo saartay howlgal Mareykanku ka qeyb qaatay oo ka dhacay Buuloburde

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay ku soo bandhigtay khasaarihii Al-Shabaab lagu gaarsiiyey duqeymo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ay fuliyeen ciidamada Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka.

Warka dowladda waxaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, ay fuliyeen howlgalo iyo duqeymo cirka ah oo ka dhan ah kooxda argagixisada Al-Shabaab shalay, 20-kii Febraayo 2025.

“Hawlgalkan iyo duqeymahaasi ayaa lala beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxaana looga hortagay iskuday maleeshiyadu ku abaabulaysay weerar gaadmo ah,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in iyadoo garabsanaysa shacabkeeda ay sii xoojinayso dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee caadeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa  dowladda Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah  waxaa ka go’an cirirbtirka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgallada socda ay qayb ka yihiin istaraatijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka argagixisada khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka.

Al-Shabaab ayaa shalay weerar balaaran ku qaaday gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana u suurtagashay inay galaan dhowr deegaan, iyadoo deegaanka Cali Axmed si weyn loogu laayey.

Dowladda ayaa shalay sheegtay in dagaaladii dhacay Al-Shabaab looga dilay in ka badan 130 dagaalame, iyadoo maanta lasoo bandhigay meydad tira beel ah oo daadsan daafaha deegaanka Cali Axmed, halkaas oo ciidamada deegaanka ay si adag uga dagaalameen.

700de931-b6a9-4306-8fd2-60b99a2390cb.jpe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this