Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo salaadii Jimcaha la tukaday rer Borama Kana Farxiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

img_10_1740138645647.jpg

img_4_1740138520953.jpg

img_7_1740138592954.jpg

img_8_1740138611871.jpg

img_9_1740138629838.jpg

img_6_1740138564007.jpg

img_5_1740138548459.jpg

img_2_1740138486816.jpg

img_3_1740138502278.jpg

img_1_1740138471352.jpgimg_2_1740138486816.jpg
๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐ฅ๐š๐š๐๐๐š ๐ฃ๐ข๐ฆ๐œ๐ž ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š ๐ซ๐ž๐ž๐ซ ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฆ๐š, ๐”๐ ๐š๐š๐ฌ๐ค๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ ๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š๐ง๐š ๐ข๐ฆ๐š๐š๐ง๐ฌ๐ก๐ข๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐š ๐Ÿ๐š๐ฌ๐š๐ฑ๐š๐ฒ

Boorama,(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa salaadda Jimcaha kala qaybgalay shacabka ku dhaqan magaalada Boorama, gaar ahaan masjid jaamica weyn, waxana uu caddeeyey in ugaas guud ee gobolka Awdal ugaas Cabdirashiid ugaas Rooble ugaas Dooddi uu dalkiisa iman doono.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka iyo saraakiil kale oo xukuumadda katirsan, ayaa bulshada kula tukaday masaajidka weyn ee Masjid jaamica Boorama, waxana uu salaadda kaddib madaxweynuhu la hadlay shacabka reer Boorama, isaga oo ugu bushaareeyey inuu dhawaan dalka iman doono, qaabka uu u imanayana laga wada shaqayn doono.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu hoosta ka xarriiqay inaanu ugaasku kasii maqnaan doonin dalkiisa iyo dadkiisaba, dhawaanna madaxda dhaqanka iyo xukuumaddu ka wada shaqayn doonaan qaabka uu u iman doono, waxana uu yidhi, โ€œUgaasku dalkiisa iyo dadkiisa ka maqnaan maayo oo wuu imanayaa, sida uu u imanayo iyo sida loo maamuusayana odayaashaanu ka wada shaqayn doonaa waqtiga ku munaasibka ah.โ€

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this