Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo war culus ka soo saartay Soomaalida uu Sacuudiga dilka ku xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga, kuwaas oo qaarkood ku xukuman dil iyo xabsiyo sannado badan ah.

Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadahadal kula jirto hay’adaha Sacuudiga ee uu khuseeyo kiiska maxaabiista Soomaaliyeed ee lagu kala xukumay dil iyo xabsiyo dheer, kuwaas oo ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto inay helaan cafis iyo cadaalad.

“Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaan u hayo Wasiir Xasan Macallin Maxamuud, waxay si dhow ula socotaa xaaladda sharci iyo midda bini’aadannimo ee maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga, oo qaarkood ay ku xukuman yihiin xukunno dil ah iyo sannado badan oo xabsi ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

Qoraalkaan ayaa intaas ku sii daray: “Wasaaradda Cadaaladda oo ka duulaysa doorkeeda matalaadda sharci ee muwaadiniintaas, waxay dadaal badan ku bixinaysaa sidii wax looga qaban lahaa xaaladdooda, iyadoo ay noo socdaan wada-hadallo ay la yeelaneyso hay’adaha dhiggeenna ah ee Boqortooyada Sucuudiga, si looga shaqeeyo in muwaadiniintaasi helaan taageero iyo matalaad sharci ah, isla markaana xukunnadooda ay ku dhamaystaan dalka Soomaaliya.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Sacuudiga ka dalban doonto in kiiska maxaabiistaas lagu maamulo Heshiiskii Riyaad ee Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ee u dhexeeya waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta, oo ay qeyb ka yihiin Sucuudiga iyo Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa sannadkii 2024 dil toogasho ah iyo xabsiyo dhaadheer ku kala xukuntay 45 maxbuus oo Soomaali ah, kuwaas oo loo haysto inay dalka Sacuudiga si qarsoodi ah ku soo geliyeen daroogo.

Mid ka mid ah 45-ka maxbuus ee Sacuudigu xukumay ayaa maalmo ka hor la dilay, arrintaas oo si weyn ula fajacday dowladda Soomaaliya iyo ehelkii ninka Soomaaliga ah ee la toogtay.

Muwaadiniinta kale ee xiran, oo qaarkood dil lagu xukumay, ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoog leh, taasoo keentay in dowladda federaalka ay warkaan soo saarto, waxaana bilowday dadaallo xoog leh oo lagu badbaadinayo Soomaalida kale ee dilka ku xukuman ee Sacuudiga ku xiran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this