Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamza oo xil sare u magacaabay Abubakar Bashiir

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20250220-WA0099.jpg?fit=1280%2C1253&

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray ayaa xalay xil sare u magacaabay Abuubakar Bashiir Maxamed.

Abuubakar Bashiir ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo La-taliyaha Sare ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha kor loogu qaadayo xiriirka dalalka Carabaha ay Soomaaliya la leedahay, maadaama ay qeyb ka tahay ururo badan oo Carbeed, islamarkaana xiriir diblumaasiyadeed fiican la leedahay dalal Carbeed oo siyaasasad ahaan aad u kala fog.

Dhinaca kale, waxaa magacaabistaan ka dhalatay hadal-heyn xooggan, waxaana si weyn uga fal-celiyay qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada.

Inta badan dadku waxay muujinayaan in la-taliye uusan aheyn xil macno leh, balse ay ka dhigan tahay in qofkaas xafiiska ra’iisul wasaaraha looga qoray “biil.”

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa horay u magacaabay la-taliyeyaal aad u badan, kuwaas oo mushaar uun ka qaata xafiiskiisa, lana ogeyn waxa ay kusoo kordhiyaan dowladnimada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this