Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay in laga hor istaagay ku biirista dagaalka Puntland ka socda

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-sheekh-iyo-saciid-deni.jpg?fit=960

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay caddeysay in laga hor istaagay inay si buuxda uga qeyb noqoto dagaalka ka socda Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland, Saciid Deni uu ka hor istaagay dowladda ka qeyb qaadashada dagaalka.

Waxa uu sheegay in arrintan ay u hayaan caddeymo, ayna hoggaanka Puntland albaabada ka soo xirteen kaalmada dowladda federaalka, xilli ay horey u jirtay xiisad siyaasadeed oo labada dhinac ah.

“Saciid Deni ayaa diidan in aan dagaalka Puntland gacan ka geysano, caddeynna waan haynaa. Dowladda federaalka albaabadii ayaa laga soo xirtay, waana la iska eedeynayaa,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isaga oo ku eedeeyay maamulka Garoowe in ay dowladda ka hor istaageen ka qeyb qaadashada dagaalka.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa imanaya xilli dowladda federaalka lagu eedeynayay in aysan dagaalka socda ka qaadan doorkii looga baahnaa.

Inkasta oo labada dhinac ay horey uga dhexeysay xiisad siyaasadeed, haddana waxa ay ahayd in loo midoobo cadowga arxan-darrada ah ee kusoo duulay dalkeenna, waana waajib saaran qof walba in laga qeyb qaato dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxda Soomaalida ayaa inta badan lagu dhaliilaa in aysan kala soocin xifaaltanka siyaasadeed ee shaqsiga ah iyo danaha qaranka, oo ah lama taabtaan aan la gorgortami karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this