Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dad Soomaaliyeed oo Sucuudiga dil ugu xukuman

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dadka soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada Sucuudiga, islamarkaana dil toogasho ah ugu xukuman dowladda dalkaas.


War qoraal ah oo ay soo saartaywasaaraddu ayaa lagu yiri” wasaaradda caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurku waxay si dhaw u la socotaa xaaladda sharci iyo midda bini’aadannimo ee maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga oo qaarkood ay ku xukuman yihiin xukunno dil ah iyo sanado badan oo xabsi ah”.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinayso sidii wax looga qaban lahaa dadkaas xaaladahooda, islamarkaana ay noo socdaan wada-hadallo u dhexeeya labada dal oo diiradda lagu saarayo sidii ay maxaabiistaasi u heli lahaayeen matalaad sharci iyo taageero.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in dowladda Soomaaliya ay doonayso in maxaabiistaas dalkooda loo soo wareejiyo si ay xukumadooda gudaha ugu dhammeystaan, ayadoo la tixgelinayo heshiiska Riyadh ee iskaashiga garsoorka caalamiga ah.

Dowladda Sucuudiga ayaa dhowaan dil daldalaad ah ku fulisay nin kamid ahaa maxaabiista ku jira xabsiyada dalkaas, halka ku dhowaad 40 kalena ay weli u xiranyihiin xukuumadda Riyadh, ayagoo intooda badan dil ku xukuman, balse dacwadaha loo haystaahi ay yihiin kuwo fudfudud.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this