Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay passport-ka dublumaasiga ah y diiday Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay jiritaanka wararka sheegaya in Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble loo diiday in passport-kiisa dublumaasiga ah loo cusbooneeyo xilli uu u safrayay dalka Koonfur Afrika.

Wasiirka arrimaha dibedda xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo wareysiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu 1-dii bishan Feebaraayo safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ka dalbaday warqado muhiim u ahaa socdaalkiisa Koonfur Afrika, hal maalin ka dibna loo diyaariyay oo lagu wareejiyay.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay ogeyn halka ay ka yimaadeen wararka tilmaamaya in Ra’iisul Wasaare Rooble loo diiday dib u cusboonaynta passport-kiisa dublumaasiga, balse baraha bulshada ayaa maalmihii la soo dhaafay lagu hadal-hayay xogo arrintaas ku saabsan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this