Deeq A. Posted Thursday at 10:08 PM KUWII LAASCAANOOD DUMIYAY WAY DAYAAMAYAAN. Laascaanood qormadan kuma dhammayn karo halkay maraysay iyo halkay maanta joogto iyo halkay ku socoto. Laascaanood waxay maraysay intaanay somaalidu dumin halkii ugu wanaagsanayd intay jirtay, saray u socotay xagga dhismaha shaqaalaha iyo ganacsigaba. Waxa ka mushahaaro qaadan jiray lix kun oo qof waxa loo sameeyay nidaam dawli ah oo dhamays tiran oo ay dhammaan dadka ka shaqeeyaa yihiin Sool clan gud. gobolka meeyee. Garaadadii iyo aqoontii reerka ayaa intay shir qabsadeen dagaal s. Land lagu dumiyo iclaamiyay waxaana ku duntay laascaanood oo keliya ujeeddadiina way fashilantay. Maanta laascaanood waxa isugu hadhay dad yar oo ku xeeran kuwii dumiyay qaar ka mid ah dhaqaalahoodii wuxuu isugu ururay jawaanno qaad ah oo ay ku dhintaan qorigaa ka shaqeeya. Laascaanood kuwii dumiyay oo ahaa soomali oo dhami maanta way dayaamayaan majeerteeniya waxa ka socda dagaal majeerteenka dhexdiisa ah oo ay ku jiraan ajaaniib hoggaaminaysa garab ka mida oo la yidhaah daacish. Cid kasta oo mahlakadii laascaanood lagu dumiyay ka qayb qaadatay waxa saaran culays amni darro iyo burbur xagga nidaamka ah, BOORAAN hadimo ha qodin haddaad qoddona ha dheerayn. Kuway taladu ku ciirsantay waa garaaddadii gala dagaalka yidhi oo maanta noqday Ninkii Mar waashay ee yidhi ma meel aan ka soo noqdaabaan joogaa laascaanood haddaan loo talin waxay noqonaysaa meel waqti dheer nabadda ka fog oo ay isku soo uruursadaan dadka denbiileyaasha ahi sida imminkaba ka jirta. Laascaanood waxay sugaysaa dadkii u dhashay inay u kacaan xabaal iyo ninkeed loo kala teg, jinni Ninkii keenaa firdaamiya. MAHADSANID. BACAW MEDIA. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites