Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ka laabatay go’aankii Haboon Nuura

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_5864.jpeg?fit=718%2C902&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd fasaxday bandhig-faneedkii Fanaannada Haboon Nuura, kadib markii guddoomiyaha gobolka Maroodijeex uu soo saaray amar uu ku mamnuucayo bandhig-faneedyada iyo caweyska habeenkii ee magaalada Hargeysa.

Go’aankan oo markii hore ka dhalatay fal-celin xooggan ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhacay si ku tala-gal aheyn, sidaas darteedna si gaar ah bandhig-faneedka Haboon Nuura loogu fasaxay inay ku qabsato magaalada Hargeysa.

“Haboon Nuura Showgeedii waa u fasax oo wuu dhacaya, laakiin yaanu ka dambeyn 12-ka habeennio,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Maroodijeex oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.

Guddoomiyaha ayaa go’aankiisi hore ku saleeyay in bandhig faneedyada iyo cawayska heesaha ay lidd ku yihiin diinteenna islaamka iyo dhaqanka suuban, sidaas awgeedna ay go’aansadeen in gebi ahaan la joojiyo, maadaama la galayo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Taliyeyaasha qaybaha iyo maamullada goobaha lagu caweeyo oo ay ku jiraan hoteellada ayaa sidoo kale la faray inay u hoggaansamaan amarkan cusub, marka laga reebo bandhiga Haboon Nuura, oo fanaannada si gaar ah loogu fasaxay.

Fanaanaddan ayaa dhowaan laga joojiyay bandhig ay ku qabsan lahayd magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kadib markii uu hareeyay muran xoogan oo ka dhashay hees ay horay wax uga qaaday oo ka dhan ahayd reer Muqdisho.

Erayada heesta muranka dhalisay waxaa ka mid ahaa: “Malihin cadow Xamar ka daran,” iyagoo qeyb kamid ah heestaas ku amaanay Itoobiya oo xiligaas dooneysay inay xoog ku qaadato badda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this